Home » Ciyaaraha » Raul, Vidic, Toni, Cisse & Shax Laga Sameeyay Halyeeyo Isaga Fariistay Kubadda Cagta Xagaagii Dhamaaday

Raul, Vidic, Toni, Cisse & Shax Laga Sameeyay Halyeeyo Isaga Fariistay Kubadda Cagta Xagaagii Dhamaaday
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 29-06-16 7:54 AM

Daily Star ayaa soo saartay shax ay ka sameysay halyeeyo faarujiyay kubadda cagta kadib xagaagii 2015/2016 kuwaas oo la xasuusan doono waayahooda kubadda cagta, waxaana hogaminaya halyeeyadaan xidigii hore kooxda Real Madrid Raul Gonzales kaas oo u safnaa kooxda New York Cosmos iyo sidoo kale halyeeyada Liverpool Daniel Agger iyo John Arne Riise.

Shaxda waxaa goolhaye looga dhigay Kelvin Davis kaas oo sanado badan kursiga keydka kooxdaan ku jiray waqtina kabtan usoo noqday wuxuuna guud ahaan waayahiisa saftay 687-kulan, isagoo Saint u saftay 301.

 

John Heitinga oo 32-jir ah ayaa isaga fariistay kubadda cagta kadib markii uu laba kulan u saftay kaliya kooxdisii hore Ajax oo uu dib ugu laabtay, 423-kulan ayuu saftay.

Daniel Agger ayaa ku jira liiska kaas oo isna sideed sano kasoo mid ahaa Liverpool, balse ugu dambeyn wuxuu dib ugu laabtay kooxda Brondby in ka badan 300 kulan ayuuna saftay sidoo kale waxaa dhanka daafaca kula jira kabtankii hore Manchester Nemanja Vidic iyo sidoo kale xidigii hore Liverpool John Arne Riise.

Mikel Arteta ayaa khadka dhexe hogaaminaya waxaana ku lamaanan Juan Carlos Valeron oo sadexii sano ee ugu dambeysay Las Palmas joogay isagoo 40-jir ah ayuuna fariistay, halka uu qeyb kasii yahay Jermain Jenas xidigii hore Magpies iyo Spurs kaas oo markii ugu dambeysay ciyaaray 2013-2014, balse rajo uu ka qabay inuu dhaawac kasoo bogsoodo ayaa burburtay wuuna fariistay.

Dhanka weerarka waxaa isla haya Luca Toni oo soo maray kooxaha Roma, Juve iyo Fiorentina iyo sidoo kale halyey Raul Gonzales hana ka reebin xidigii dhibaatada badnaa ee reer France Djibril Cisse kaas oo isna 11-koox oo uu waayahiisa usoo ciyaaray kadib Tv-ga ka sheegay inuu fariistay.

SHAXDA DAILY STAR :

Kelvin Davis, John Heitinga, Daniel Agger, Nemanja Vidic, John Arne Riise, Mikel Arteta, Jermain Jenas, Juan Valeron, Raul Gonzales, Luca Toni, Djibril Cisse.