Home » Ciyaaraha » Real Madrid oo fureysa sharciga u sahlaya iney dib usoo iibsato Alvaro Morata

Real Madrid oo fureysa sharciga u sahlaya iney dib usoo iibsato Alvaro Morata
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 3:12 PM

 

Real Madrid ayaa hada bilaabeysa iney ka shaqeysiiso xeeerka u ogolaanaya iney dib usoo iibsato weeraryahanka kooxdda Juventus Alvaro Morata, taas oo meesha ka saari karta hamiga kooxaha Premier League sidaas waxaa sheegtay jariirada AS.

Kooxdda caasimada Spain ayaa kulan gaar ah ka yeelatay arinta laacibkaan, tababare Zidane ayaa la ogaaday inuu la hadlay madaxweynaha kooxdda isagoo u sheegay inuu liito hormarka uu sameynaayo Karim Benzema taasina ay qasab ka dhigeyso in Morata lasoo celiyo.

Madrid waxaa ay heystaa heshiis ay saxiixday Juventus kaas oo sheegaya iney Real dib u iibsan karto xidigaan hadii la iibinaayo waxaana qiimaha ay dib ugu ceshan kartaahi uu yahay €32 million.

Tani waxaa ay meesha ka saari doonta hamiga Manchester United, Chelsea iyo Arsenal. Kuwaas oo la ogaaday dhamaantood iney rabaan xiddigaan

Arinta waxaa xiiso u yeeleysa in laacibkaan uu dhowaan sheegay inuusan markii horaba rabin inuu ka tago Real Madrid.

Alvaro Morata ayaa qeyb ka ah xulka Spain ee ka qeyb galaya Euro 2016 isagoo ilaa hada dhaliyay labo gool.