Home » Ciyaaraha » Real Madrid Oo ka gabsaneyso goolhayaha Manchester United

Real Madrid Oo ka gabsaneyso goolhayaha Manchester United
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 6-06-16 1:01 PM

Kooxda Real Madrid ayaa lasoo tabinayaa iney go’aansatay iney ka gaabsato xaalada goolhayaha kooxda Man United David De Gea inta uu ka dhamaanayo qandaraaska uu kula Jiro kooxda Man United, wallow kooxda Los Blancos ay si ba’an u baadi goobeysay xidigan xagaagii aynu kasoo gudubnay.
25 Sano jirkan u dhashay dalka Spain ayaa ku dhawaaday inuu ku biiro kooxda Real Madrid xagaagii lasoo dhaafay, balse heshiiskii uu ugu biiri lahaa kooxdaasi ayaa burburay daqiiqadihii ugu dambeeyey suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada.
Taas badalkeeda David de Gea ayaa qalinka ugu duugay kooxda Red Devils heshiis mudo dheer ah kaas oo durba la shaaciyey in lagu bur burin karo 39 Milyan oo ginni kahor inta aan la gaarin June 15 keeda.
Sida lagu daabacay wargeyska ugu carabka dheer dalka Spain ee AS Real Madrid ayaa xiiseneyso xidigan balse kooxda ayaan wax ahmiyad siin doonin maadaama macalinak kooxdaa Real Madrid Zezou uu dooqa koowaad ka dhiganayo goolhaye Kaylor Navas.