Home » Ciyaaraha » Real Madrid Oo Lagu Soo Waramayo Inay Heshiis Hordhac Ah La Gaartay Weeraryahan U Dhashay Dalka Senegal

Real Madrid Oo Lagu Soo Waramayo Inay Heshiis Hordhac Ah La Gaartay Weeraryahan U Dhashay Dalka Senegal
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 7:32 AM

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis hordhac ah la gaartay weeraryahanka kooxda Lazio Keita Balde, sida ay wararku sheegayaan.

21 sanno jirkaan ayaa dhaliyey shan gool 40 kulan oo uu u saftay Biancocelesti xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, inkastoo uu inta badan ka ciyaarayey boosaska garbaha weerarka.

Sida laga soo xigtay wargeyska El Mundo Deportivo, Los Blancos ayaa dooneysa inay hubiso saxiixa Balde ka dibna ay u ogolaato tabababare Zinedine Zidane inuu go’aansado sida uu u isticmaali doono xiddiga heerka caalami ee dalka Senegal.

Isagoo ku dhashay gobolka Catalonia, Balde ayaa kasoo qalin jebiyey akadeemigga kooxda ay aadka u