Home » Ciyaaraha » Real Madrid oo Man United u sheegtay war ay ku faraxdo kadib markii ay u ogolaatay iney lasaxiixato mid kamid ah..

Real Madrid oo Man United u sheegtay war ay ku faraxdo kadib markii ay u ogolaatay iney lasaxiixato mid kamid ah..
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 29-06-16 12:06 PM

Daafaca kooxda Real Madrid Raphael Varane ayaa u muuqda mid loo tilmaamay wadada loogaaga baxo gegida Bernabeu oo ay ka dhisan tahay kooxda Los Blancos Real Madrid.

Wargeysada kasoo baxa dalalka Spain iyo Italy ayaa isku raacay maqaalkooda ku aadan in Varane uu ku socda wadadii uu kaga soo hayaami lahaa kooxda Real Madrid xilli xidigan si ba’an loola xiriirinayo inuu dib ula midoobayo macalinkiisii hore ee Jose Mourinho kaa oo xilka tababarenimo ee kooxda Man United kala wareegay Macalin Louis Van Gaal.

Sidoo kale James Rodriguez,Alvaro Morata, Isco, Jese Rodriguez iyo Nacho ayaa kamid ah ciyaaryahanada la filayo iney sidoo kale isaga soo hayaamaan gegida Bernabeu xagaagan waa sida lagu xusay El Confidental.

23 sano jirkan u dhashay dalka France ayaa sameeyey bandhig sarre balse waxa uu ku guuldarreystay inuu kamid noqdo kooxda koowaad ee Bernabeu xilli ciyaareedkii tagay, waxa uuna niyad jab weyn ka qaaday ka tagistii uu Didier Deschamps ka tagay koobka Euro 2016 ka.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in kooxda ka dhisan gegida Old Trafford ay goorsii horeysay la saxiixatay daafaca u dhashay dalka Ivory Coast Eric Baily iyada oo kula soo wareegtay aduun lacageed oo gaarayo 30 Milyan oo ginni