Home » Ciyaaraha » Real Madrid oo sare u qaaday qiimahii ay ku dooneysay daafaca u ciyaara kooxda Bayern Munich David Alaba

Real Madrid oo sare u qaaday qiimahii ay ku dooneysay daafaca u ciyaara kooxda Bayern Munich David Alaba
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 30-06-16 4:01 PM

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 65 milyan oo euros ah ka gudbisay xiddiga kooxda Bayern Munich David Alaba, sida laga soo xigtay majaladda AS.

Camaaliqada reer Spain ayaa xiddiga heerka caalami ee dalka Austria ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu muhiimsan suuqa kala iibsiga ee xagaagaan.

Majaladda AS ayaana sheegeysa inay Los Blancos sarre u qaaday dalabkeedii hore ee 50ka milyan oo euros ahaa, waxayna ku dartay 60 milyan oo euros.

Bayern Munich ayaase la fahamsan yahay in aysan weli kasoo jawaabin dalabka Real Madrid, waxaana xusid mudan inay kooxda ka dhisan Allianz Arena ku dooneyso Alaba adduun lacageed dhan 80 milyan oo euros.