Home » Ciyaaraha » Real oo wado qorshe ay qandaraas cusub kaga dalbaneysa Bale kahor inta uusan idlaan Euro

Real oo wado qorshe ay qandaraas cusub kaga dalbaneysa Bale kahor inta uusan idlaan Euro
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 30-06-16 10:37 AM

Wargeyska maalinlaha ah ee News Today ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ka dhisan caasimada dalka Spain ay wada hadal ku aadan qandaraas kordhin la gashay weeraryahanka u dhashay dalka Wales Gareth Bale.

Daily Telegraph ayaa iyadana dhankeeda ka xustay in Madrid ay dooneysa iney sii heysato Gareth ilaa 2021 ka xilli uu dhacayo qandaraaska uu kula jira hada kooxda ka dhisan gegida Bernabeu xagaaga 2019 ka.

Gareth Bale oo hada mushaar ahaan u qaata 9 Milyan ee Euro ayaa loo balan qaaday in mushaar kordhin loo sameyn doono hadii uu qalinka ugu duugo kooxda Los Blancos heshiiskan cusub waxa uuna qaadan doonaa 10 Milyan ee Euro xilli uu barbar istaagi doono hogaamiyaha kooxda Sergio Ramos oo mushaar ahaan u qaata 10 Milyan ee Euro.

Qorshaha cusub oo ay Real Madrid ku dooneysa iney kusii ceshato xidigan ayaa yimid kadib bandhig wanaagsan uu ciyaaryahankii hore ee Tottenham ka sameynayo koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016 ka kaas oo si habsami leh ugu soconayo dalka France waxa uuna Bale xulkiisa ka saaciday iney soo gaaraan wareega 8 dhamaadka.