Home » Ciyaaraha » Record Cusub oo layaab leh oo ku soo Kordhay kubada Cagta Caalamka+Video

Record Cusub oo layaab leh oo ku soo Kordhay kubada Cagta Caalamka+Video
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 5-06-16 6:44 AM

Waxaa Laxaqiijiyey in Kubada Cagta Caalmka uu ku soo kordhay Record Cusub oo aan Taariikhda Horay loo dhigin ka dib markii 2 Naadi oo kawada dhisan dalka Czech Republic ay isla Gaareen Rigoorooyinkii ugu dheeraa Taariikhda Kubada Cagta Caalamka,

Sida lagu cadeeyey boga Recordka kubada Cagta Caalamaka ee FIFA waxaa 2 Naadi oo ka Wada dhisan dalka Czech Republic oo ka dheela heerka 5 aad ee dalkaas ay Wada gaareen ilaa 52 Rigoore taas oo ka dhagigeysa Rigoorooyinkii ugu dheeraa Taariikhda Kubada Cagta ee lagu kala baxo.

Kooxaha kala ah SK Batov 1903 iyo FC Frystak ayaa dhigay Recordkaas oo ah mid ku cusub Kubada cagta Caalmka waxaana Rigoorooyinka 52 da loo kala dhaliyey sidaan 4-4, 11-11 iyo 14-14 kadib Waxaa Rigoore qasaariyey Cayaaryahanka lagu magacaabo Jan Hrebacka Waxaana Cayaartii ku dhamaatay 22-21.

Horay waxaa Recordkaan u haystey kooxo dalka Nambia ah oo dheelayey Koob Final ah kuwaas oo ku kala baxay Rigooryaal Gaaraya 17-16.

Daawo Video Qaabkii Rigoorooyinka ee labada Kooxood