Home » Ciyaaraha » Riyad Mahrez oo Cadeeyey in uu qaadi doono Wadadii Jamie Vardy

Riyad Mahrez oo Cadeeyey in uu qaadi doono Wadadii Jamie Vardy
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 7-06-16 4:58 AM

Xidiga dalka Algeria iyo Naadiga qaaday Horyaalka dalka England ee Leicester City Riyad Mahrez  ayaa lacadeeyey in uu dhegaha ka Fureystey qandaraas Cusub oo ay u soo bandhigtay kooxdiisa.

Riyad Mahrez ayaa sidoo kale Saaxiibadii u sheegay in uu isaga dhaqaaqi doono Naadiga Leicester City isla Markaana uu dalab ka haysto kooxo waa weyn oo doonaya isaga.

Mahrez oo ku Guuleystey abaal Marinta FA Player of the Year ayaa u sheegay kooxdiisa in uusan saxiixi doonin Wax heshiis Cusub sidaa daraadeed ayaa waxaa kor u sii kacay damicii kooxo badan oo donayey Wiilkaan 26 Jirka ah waxaana kooxaha doonaya ugu Horeeya Arsenal iyo Barcelona.

Sidoo kale N’Golo Kante ayaa ku jooga Wadadii uu uga dhaqaaqi lahaa kooxdaas waxaan muuqata in Naadigii qaaday Horyaalka dalka England uu ku socdo bur bur Xoog leh Maadaama ay ka tegayaan Xidigihii Horyaalka u qaaday,