Home » Ciyaaraha » Robert Lewandowski Oo Sheegay In Uu Ka Ciyaari Doono Premier League Iyo Kooxaha Waweyn Oo Heegan Galay

Robert Lewandowski Oo Sheegay In Uu Ka Ciyaari Doono Premier League Iyo Kooxaha Waweyn Oo Heegan Galay
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 16-06-16 6:47 PM

Weeraryahanka xulka qaranka Poland iyo kooxda Bayern Muncih ee Robert Lewandowski ayaa doonay in uu u soo dhaqaaqo Premier League, sida ay sheegayaan wararku.

Lewandowski oo Magac ku samaystay kooxda Borussia Dortmund  isaga oo dhaliyay 74 gool 4 sano oo uu ku qaatay Garoonka kooxda Dortmund ee Westfalenstadion.

Kooxda Manchester United ayaa xiddigan indho indheeyayaal u diratay dhawr jeer intii uu joogay kooxda Borussia Dortmund laakiin kooxda Bayer Munich ayaa ku garaacday saxiixa xiddigan.

Laakiin Daily Mail ayaa sheegtay in weeraryahankan aan salka dhigan kooxda Bayern Munich Lewandowski  uu ka fiirsan doono in uu u dhaqaaqo horyaalka premier league xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigan reer Poland oo ah taageero Liverpool ah ayaa isha ku haya in uu dib ula midoobo tababarihiisii hore ee Jurgen Klopp si uu kooxda Liverpool dib ugu soo celiyo Champions league.