Home » Ciyaaraha » Roma oo u sheegtay Chelsea inay kor u qaado qiimaha ay ku doonayso Antonio Rüdiger

Roma oo u sheegtay Chelsea inay kor u qaado qiimaha ay ku doonayso Antonio Rüdiger
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 5-06-16 7:35 AM

Chelsea ayaa loo sheegay inay kor u qaado qiimaha ay ku doonayso daafaca reer Jarman ee Antonio Rüdiger.

Roma oo isbuucii hore si rasmi ah ula wareegtay Antonio Rüdiger kadib markii uu hal xiliciyareed ugu ciyaaray amaah ayaa u sheegtay Blues kordhinta qiimaha ay ku doonayaan 23 jirka reer Jarman.

Antonio Rüdiger ayaa amaah uga soo tagay xaggaagii hore kooxda reer Jarman ee Stuttgart, Roma ayaana bixisay 7.7 milyan oo Ginni isbuucii hore iyaga oo si rasmi ah ula wareegay.

 

Roma ayaa ku doonaysa laacib keeda aduun dhan 20 milyan oo Ginni haddiiba uu katagayo suuqa kala iibsiga ee xaggaagan sida laga soo xigtay Express.

Dalabka Chelsea ee Antonio Rüdiger ayaa ah 17 milyan oo Ginni laakiin waxay ku qasbanyihiin inay ku daraan 3 milyan si ay u helaan daafacaan halista ah.