Home » Ciyaaraha » Ronald Koeman oo donaayo in Morgen Schneiderlin ka bad baadiyo kursiga keydka ee Macalin Jose Mourinho.

Ronald Koeman oo donaayo in Morgen Schneiderlin ka bad baadiyo kursiga keydka ee Macalin Jose Mourinho.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 26-06-16 7:41 AM

Ronald Koeman ayaa doona inuu ka dhigto Morgan Schneiderlin saxiixisa koowaad ee  Everton si uu ugu xoojiyo khadkiisa dhexe, sidaasi waxaa qortay Sunday Mirror.

Maclainkaan ayaa xidiga Manchester United kula shaqeeyay Southampton wuxuuna rajeynayaa in kooxdiisa Toffees ay bixiso lacag dhan £20 milyan oo pouudn si ay u soo yareyso waqtiga uu xidigaan joogaya garoonka Old Trafford.

Schneiderlin ayaa kaliya sanadkii hore ku soo biitay kooxda Red Devils laakin waxaa ku adkaatay inuu boos ka helo kooxdii macalin Louis van Gaal.

 

Si kasto macalinkiisi hore ayaa aaminsan in xidigaan uusan ku jirin qorshaha macalin Jose  Mourinho wuxuuna doonayaa inuu keensada garoonka Goodson Park ee Everton ay ku xamaalato.