Home » Ciyaaraha » Ronaldo oo ugu dambeyn ka farxiyey qaar kamid ah ciyaaryahanada xulka Iceland kadib markii…

Ronaldo oo ugu dambeyn ka farxiyey qaar kamid ah ciyaaryahanada xulka Iceland kadib markii…
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 23-06-16 10:34 AM

Cayaartoyda Xulka qaranka Iceland ayaa ugu damabayn Gacanta ku dhigay Funaanadii uu u diidey Cayaaryahanka dalka Portugal ee Cristiano Ronaldo sidaa Waxaa lagu qoray Sawir ay soo dhigeen barta Instagramka.

Cristiano Ronaldo ayaa lasheegay in uu diidey Funaanadiisa Kabtanka dalka Iceland ee Aron Gunnarsson kadib kulankii bareejada 1-1 ah ku dhamaaday ee dhex maray labada dal kadib Markii Ronaldo ka Xanaaqay bareejada waxaana diidmada Funaanadiisa aad loogu daabacay Warbaahinta.

Cayaartoyda kala ah Gunnarsson iyo Gylfi Sigurdsson ayaa Sawirkaan soo dhigay kadib markii ay suuqa ka soo iibsadeen Funaanad uu dhabarka uga yaalo Nambarka iyo Magaca Ronaldo waxayna si Jees Jees ah u dhaheen ugu damabayn waan helnay Funaanadii uu noo diidey Cristiano Ronaldo.

Xulka dalka Iceland ayaa Taariikh Cusub u dhigay koobka yurub kadib markii uu kaqayb galay Sanadkiisii koowaad hadana Waxa ay u soo baxeen Wareega 16 ka iyaga oo habeenka isniinta ah la dheeli doona dalka England.

ronaldo-and-Aron-Gunnarsson ronaldo-iceland-mocked-1466503467188