Home » Ciyaaraha » Roy Hodgson oo Sadex Maalmood Fasaxay Xidigaha England iyo FA ga Baasaboorada kaxaraystey

Roy Hodgson oo Sadex Maalmood Fasaxay Xidigaha England iyo FA ga Baasaboorada kaxaraystey
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-06-16 2:28 AM

Macalinka Xulka qaranka England Roy Hodgson ayaa u sheegay Xidigaha uu Hogaamiyo in ay qaataan 3 Maalmood oo Fasax ah kadibna ay isku diyaarinyaan Safarka ay ku tagayaan dalka France halkaa oo ay kaga qayb gelayaan koobka yurub 2016.

Roy Hodgson ayaa la sheegay in uu Baasaboorada ka Xaraystay Cayaartoydiisa isaga Mam Nuucay in 3 Maalmood ee fasaxa Cayaartoy uu ka bixi karayo dalka England waxaana uu kula dar daarmay in ay iska ilaaliyaan wax kasta oo dhibaato u keeni karaya,

Xulka dalka England ayaa xalay dheeley kulankoodii ugu dambeeyey Cayaaraha Tijaabada ah waxaana ay dhawaan u duuli doonaan dalka France halkaa oo ay kaga qayb gelayaan koobka qaranada qaarada yurub 2016.