Home » Ciyaaraha » Saxiixa Cusub Ee Man City Nolito Oo Sharraxay Sababtii Uu Ku Doortay Lambarka 9aad Ee Sky Blues

Saxiixa Cusub Ee Man City Nolito Oo Sharraxay Sababtii Uu Ku Doortay Lambarka 9aad Ee Sky Blues
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 2-07-16 12:20 PM

Saxiixa cusub ee Manchester City Nolito ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta uu u doortay inuu xirto maaliyadda lambarka 9aad ee kooxdiisa cusub ee Man City.

Xiddiga reer Spain ayaa Jimcadii heshiis ku dhow 14 milyan oo ginni ugu soo wareegay kooxda ka dhisan Etihad Stadium ka dib markii ay Sky Blues bixisay qiimaha lagu burburin karay qandaraaskiisa kooxda Celta Vigo.

Lambarka 9aad ayaa waxaa caan ku ah inay xirtaan weeraryahannada kubadda cagta. Marka aad maqasho maaliyadda lambarka sagaalaad durba waxaa maankaaga kusoo dhacaya Luis Ronaldo, Luis Suarez, Alan Shearer, Karim Benzema, Samuel Eto’o, Gabriel Batistuta iyo Felippo Inzaghi.

Sidaas darteed durba waxaad ku fikireysaa inuu sababtaas darteed Nolito u doortay maaliyadda 9aad ee Man City maadaama ay halyeeyadaani yihiin kuwo uu ku daysado.

Isagoo la hadlayey muuqaal baahiyaha rasmiga ah ee Man City ka dib markii uu heshiiskaan dhammeystiray wuxuu ku jawaabay: “Hagaag, waxaa la ii soo bandhigay dhowr lambar oo kala duwan, waxaana ka mid ahaa maaliyadda lambarka 9aad.

“Lambarka 9aad waxaan soo xiran jiray markii aan joogay Barca B iyo Benfica wax kastana si wanaagsan ayey iigu dheceen waqtigaas, sidoo kale waa mid ka mid ah lambarada ee ugu jeclahay.”