Home » Ciyaaraha » Shax laga sameeyey Ciyaaryahanada Yurub ee qaxootinimada ku dhashay kana qeyb galayo Euro 2016

Shax laga sameeyey Ciyaaryahanada Yurub ee qaxootinimada ku dhashay kana qeyb galayo Euro 2016
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 21-06-16 2:18 PM

Waxaa la soo Saaray Liiska 11 Cayaaryahan oo hada dheelaya koobka qaramada yurub ee lagu dhalay qaxootinimo kuwaas oo ku dhashay dalal aan dalkooda ahayn oo waalidkood qazootinimo ku Galeen.

Cayaartoydaan ayaa waxa ay u dheelaan qaarkood dalalkii lagu dhalay Markii uu Waalidkood qaxootinimo ku tagay waxaana dhawaan loo dabaaldagi doonaa Maalinka qaxootiga aduunka.

Hadaba Waa kuwee Cayaartiydaas oo koox laga dhigay lana dheelsiiyey Farmisyoonka 3-5-2/

Waxaa Goolhaye looga dhigay Steve Mandanda oo Waalidkii ka soo qaxeen dalkii Horay loo oran jirey  Zaire, hadase ah Democratic Republic of Congo,Waxaana uu aabihii ka baxsaday Xabsi uu ku xiray Madaweynihii kaligii taliska ahaa ee  Mobutu Sese Seko,

Daafaca Vedran Corluka Waxa uu Wadan ahaan ka soo Jeedaa Vedran Corluka balse Markii waalidkii u qaxay dalka Croatia 1992 dii ayuu halkaa ku dhashay dagaal ayeyna uga qaxeen dalkooda.

Xidigaha  Xherdan Shaqiri  Granit,Xhaka dhamaantood Waxa uu waalidkood ka soo qaxay dagaalkii Albania Waxa ay ku dhasheen dalka Switzerland oo ay hada u dheelaan weliba waxa ay ka hortageen oo ay ka badiyeen dalkii lagala soo qaxay ee Albania inta uu socdo koobka yurub 2016.

Cayaartoydaan waxaa kujira kuwo ku dhashay qaxootinimo balse doortay in ay dalkoodii hore u dheelaan sida .Lorik Cana Taulant Xhaka

Luka Modric Waxa uu ku dhashay halka looyaqaan Modrici oo u dhow Zadar Markii Waalidkii ka qaxay dalkii dalka Croatia Xornimada loogu raadinayey ee dhacay 1991 dii.

Zlatko Junuzovic Waxa uu ku dhashay Loznica, Waxa uu Waalidkii ka soo qaxay dalka Yugoslavia Xiligaa oo ay soo dageen Austria.oo uu hada u dheelo.

Christian Benteke Waxa uu Waalidkii ka Cararay sida Waalidka Steve Mandanda kaligii Taliyihii Mobutu Sese Seko Waxaana uu aabihii ahaa Siyaasi iska dhiibay dalka uu Wiilkiisu u dheelo ee Belgiumka.

Emir Kujovic Waxa uu Waalidkii ka soo qaxay dalka dhawaan loo bixiyey Montenegro Waxa uuna iska dhiibay Sweden/

Cayaaartoydaas ayaa loo aqoonsaday 11 ka Cayaaryahan ee lagu dhalay qaxootinimada waxaana lala kaashan doonaa sidii loo soo dhaweyn lahaa qaxootiga faraha badan ee ku qul qulaya yurub.

11 Player