Home » Ciyaaraha » Shaxda Rasmiga Ah Ee Croatia v Spain: Luka Modric & Mario Mandzukic Oo Ka Maqan Croatia.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Croatia v Spain: Luka Modric & Mario Mandzukic Oo Ka Maqan Croatia.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 21-06-16 6:38 PM

Xulka Spain ayaa kulankii Turkiga ee isbuucii hore xaqiijistay u soo bixitaankooda wareega 16ka ee Euro 2016 laakiin waxa ay doonayaan inay kaalinta koowaad ee Group D ay xaqiijistaan, waxaana ay u baahan yihiin kaliya barbaro ay la galaan xulka Croatia, kuwaasoo haatan kaalinta labaad ku jira iyagoo leh afar dhibcood.

Sidaasi oo ay tahay tababare Del Bosque ayaa ku soo shirtagay shax la mid ah tii uu ku garaacay Turkiga iyo Czech Republic isagoo aan nasasiinin qaar ka mid ah xiddigihiisa. Waxaa weli weerarka hogaaminaya xiddiga ku soo laabtay Real Madrid maanta ee Alvaro Morata.

 

Dhanka Croatia xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaa dhaawac ku seegaya kulankaan laakiin Ivan Rakitic ayaa weli socda, waxaa sidoo kale seegaya kulanka maanta Mario Mandzukic iyadoo Kalinic uu hogaaminayo weerarka xulka Croatia.

SHAXDA RASMIGA AH.

Croatia: Subasic; Srna, Corluka, Jedvaj, Vrsaljko; Badelj, Rog; Pjaca, Rakitic, Perisic; Kalinic

Spain: De Gea; Juanfran, Gerard Piqué, Sergio Ramos, Jordi Alba; Busquets, Andres Iniesta, Cesc Fabregas; David Silva, Nolito, Alvaro Morata.