Home » Ciyaaraha » Shaxda Rasmiga Ah Ee Czech Republic v Turkey: Tomas Rosicky Oo Dhaawac Ku Seegaya Kulankaan.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Czech Republic v Turkey: Tomas Rosicky Oo Dhaawac Ku Seegaya Kulankaan.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 21-06-16 6:36 PM

Weeraryahan Tomas Necid ayaa ku soo bilowday iyadoo ay tahay afar bedel oo Czech Republic ay ku sameeyeen shaxdooda kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen xulka Croatia.

Daniel Pudil, David Pavelka iyo Borek Dockal ayaa sidoo kale ku soo bilowday shaxda, iyadoo David Lafata, Jiri Skalak, David Libersky iyo Tomas Rosicky oo dhaawac ah ay kursiga keydka fadhiyaan.

Dhanka Turkiga seddex bedel ayay ku sameeyeen shaxda kulankii ay guuldarada 3-0 ka soo gaartay xulka Spain iyadoo ay ku soo bilowdeen Volkan Sen, Emre Mor iyo Ismail Koybasi.

 

Seddexda ciyaaryahan ee wadada baneeyay waxaa ay kala yihiin Hakan Calhanoglu, Oguzhan Ozyakup iyo Caner Erkin.

Inkastoo labo kulan laga badiyay Turkiga weli waa ay u soo bixi karaan wareega 16ka haddii mucjiso ay dhacdo caawa.

SHAXDA RASMIGA AH:

Czech Republic: Cech, Kaderabek, Sivok, Hubnik, Pudil, Plasil, Pavelka, Darida, Dockal, Krejci, Necid

Turkey: Babacan, Koybasi, Balta, Topal, Gonul, Inan, Tufan, Turan, Sen, Mor, Yilmaz