Home » Ciyaaraha » Shaxda Rasmiga Ah Ee Germany vs Poland Ee Euro 2016: Mats Hummels Oo Lagu Bilaabay & Lewandowski Oo Ka Horimaanaya Saxiibadiis..

Shaxda Rasmiga Ah Ee Germany vs Poland Ee Euro 2016: Mats Hummels Oo Lagu Bilaabay & Lewandowski Oo Ka Horimaanaya Saxiibadiis..
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-06-16 8:26 PM

Xulalka Poland iyo Jarmalka ayaa indhaha ku haya inay xaqiijistaan booskooda wareega 16ka ee Euro 2016 si ay ugula biiraan France oo xalayto xaqiijisatay, waxaana xul walba uu soo bixi karaa haddii uu guul ka gaaro xulka kale caawa.

Poland waxa ay kulankeedii ugu horeysay ee Euro 2016 ka soo badisay Northern Ireland halka Germany ay ka soo gudubtay Ukraine.

Tababare Joachim Low ayaa hal bedel ku sameeyay shaxdiisa kulankii Ukraine iyadoo daafaca Mustafi kursiga keydka loo dhaadhiciyay waxaana booskiisa bedelay Mats Hummels oo ka garab ciyaaraya Boaten. Dhanka weerarka waxaa weli hogaaminaya Mario Gotze halka Ozil, Draxler iyo Muller ay ka danbeeyaan. Kroos & Khedira ayaana booska burburiyaha khadka dhexe wada taagan.

Dhanka tababaraha xulka Poland labo bedel ayuu ku sameeyay shaxdiisa kulankii hore, iyadoo goolhaye Szczesny uu kulankaan ku seegayo dhaawac muruqa ah, waxaana booskiisa soo galay Fabianski oo lagu soo bilaabay. Dhanka kale Kaputska ayaa isna booskiisa shaxda waatat waxaa bedelay Grosicki. Lewandowski ayaana weerarka kooxda hogaaminaya.

SHAXDA RASMIGA AH:

Germany: Neuer, Hector, Boateng, Hummels, Höwedes, Kroos, Khedira, Özil, Draxler, Müller, Götze

Bedel: Mustafi, Schweinsteiger, Schurke, Podolski, Leno, Can, Weigl, Tah, Sane, Kimmich, Ter Stegen

Poland: Fabianski, Jedrzejczyk, Pazdan, Glik, Piszczek, Grosicki, Maczynski, Krychowiak, Blaszczykowski, Milik, Lewandowski.

Bedel: Szczesny, Cionek, Jodlowiec, Linetty, Stepinski, Wawrzyniak, Peszko, Salamon, Zielinski, Kapustka, Starzynski, Boruc