Home » Ciyaaraha » Shaxda Rasmiga Ah Ee Portugal v Austria Ee Euro 2016: Ricardo Quaresma & William Carvalho Oo Ku Soo Bilowday Shaxda Portugal.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Portugal v Austria Ee Euro 2016: Ricardo Quaresma & William Carvalho Oo Ku Soo Bilowday Shaxda Portugal.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 6:50 PM

Tababaraha xulka Portugal ayaa isbedel ku sameeyay shaxdiisa kulankii ay barbaraha la galeen xulka Iceland, Ricardo Quaresma iyo William Carvalho ayaa ku soo bilowday iyadoo Danilo iyo Joao Mario loo dhaadhiciyay kursiga keydka.

Dhanka weerarka waxaa hogaaminaya Cristiano Ronaldo iyadoo Nani iyo Andre Gomes ay ku soo bilowdeen si la mid ah Moutinho.

Dhanka xulka Austria oo guuldarro ay ka soo gaartay xulka Hungary kulankoodii ugu horeysay ee Euro 2016 ayaa waxaa weerarkooda hogaaminaya Sabitzer iyo Arnautovic, halka David Alaba uu ka dhexmuuqday shaxda xulka Austria.

 

SHAXDA RASMIGA AH:

Austria: Almer; Klein, Prodl, Hinteregger, Fuchs; Harnik, Ilsanker, Alaba, Baumgartlinger, Arnautovic; Sabitzer

Portugal: Rui Patricio; Vieirinha, Pepe, Ricardo Carvalho, Guerreiro; Quaresma, William Carvalho, Joao Moutinho, Andre Gomes; Nani, Ronaldo