Home » Ciyaaraha » Shaxda Rasmiga Ah Ee Spain v Turkey Ee Euro 2016: Arda Turan Oo Ka Hor Imaanaya Asxaabtiisa Barcelona.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Spain v Turkey Ee Euro 2016: Arda Turan Oo Ka Hor Imaanaya Asxaabtiisa Barcelona.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 17-06-16 6:42 PM

Kulanka kale ee Group D ee xulalka Spain iyo Turkey ayaa goordhow ka dhici doona magaalada Nice ee dalka Faransiiska gaar ahaan garoonka Allianz Riviera, iyadoo tababare Del Bosque uu ku soo shirtagay shax la mid ah tii uu kaga badiyay xulka Czech Republic isbuucii hore.

Morata, Nolito iyo Silva ayaa ah seddex xiddig ee afka hore iyadoo La Roja ay ku ciyaareyso shax ciyaareedka 4-3-3, waxaana khadka dhexe ka muuqda Cesc Faberags, Iniesta iyo Busquets.

Dhanka kale Arda Turan oo lagu dhaleeceeyay qaab ciyaareed liita kulankii furitaanka ee ay isbuucii hore la ciyaareen Croatia ayaa mar kale ku soo bilowday shaxda xulka Turkiga isagoo ka horimaanaya qaar ka mid ah saaxiibadiisa Barcelona sida Pique, Alba, Iniesta iyo Busquets.

 

Tababare Fatih Terim ayaa isna la filayaa inuu ciyaaro shax ciyaareedka 4-3-3 iyadoo Calhanoglu, Burak Yilmaz iyo Arda Turan ay weerarka xulka hogaaminayaan.

SHAXDA RASMIGA AH:

Turkey: Volkan; Gokhan Gonul, Mehmet Topal, Hakan Balta, Caner Erkin; Ozan Tufan, Selcuk Inan, Ozyakup; Calhanoglu, Burak Yilmaz, Arda Turan.

Spain: De Gea; Juanfran, Pique, Ramos, Alba; Busquets, Cesc Fabregas, Iniesta; Silva, Morata, Nolito