Home » Ciyaaraha » Shaxda Rasmiga ah oo ay garoomada kusoo galayaan xulalka xifaaltanka uu dhaxeeyo ee Sweden V Italy

Shaxda Rasmiga ah oo ay garoomada kusoo galayaan xulalka xifaaltanka uu dhaxeeyo ee Sweden V Italy
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 17-06-16 12:24 PM

Xulalka qaramada Itlay iyo Sweden ayaa iskaga hor imaya kulanka wareega labaad ee  Group E, waxayna diirada ku hayaan muhiimada uu kulankani u leeyahay. Italy ayaa guul 2:0 ahayd ka soo gaadhay xulka qaranka Belgium ee kulankii furitaanka halka Sweden ay barbaro la soo gashay xulka qaranka Republic of Ireland.

Italy ayaa fursad fiican haysta si ay hogaanka ugu sii hayso Group E, waxayna kooxda xulka qaranka Italy ee Antonio Conte ay doonayaan in ay sii wataan qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay Belgium-ka kala horyimaadeen. Zlatan Ibrahimovic iyo xulka qarankiisa ayaa iyaguna ku hamiyay in ay gaadhaan guushoodii ugu horaysay ee Euro2016.

Tababare Antonio Conte ayaa shaxdii uu xulka qaranka Beligum guusha kaga gaadhay ku sameeyay hal isbadal waxaana shaxda Italy ku soo bilawday Alessandro Florenzi kaas oo badalay Matteo Darmian  oo kulankii hore dhaawac looga saaray.  Giaccherini iyo Pelle oo kulankii Belgium labada gool kala dhaliyay ayaa markale safka weerarka ka wada ciyaari doona

Dhinaca Sweden waxaa hogaaminaya xidiga ugu muhiimsan ee Zlatan Ibrahimovic kaas oo markale ka hor imanaya xulka qaranka Italy ee uu ka soo ciyaaray kooxihiisa waa wayn.

SHAXAHA LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

ITALY: Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Candreva, Parolo, De Rossi, Giaccherini, Florenzi; Eder, Pellè

SWEDEN:Isaksson; Lindelöf, Granqvist, Johansson, Olsson; Larsson, Ekdal, Källström, Forsberg; Guidetti, Ibrahimovic