Home » Ciyaaraha » Sheeko Waa Dhamaatay!!! Dani Alves Oo Xaqiijiyay Kooxda Uu Ku Biiro Doono Marka Uu Ka Huleelo Barcelona

Sheeko Waa Dhamaatay!!! Dani Alves Oo Xaqiijiyay Kooxda Uu Ku Biiro Doono Marka Uu Ka Huleelo Barcelona
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-06-16 6:21 AM

Daafaca midig ee Barcelona iyo xulka qaranka Brazil Dani Alves ayaa xaqiijiyay inuu dhawan ku biiri doono kooxda Juventus isagoo haminaya inuu u horseedo guulo dhanka yurub ah kooxdaan difaacaneysa horyaalka talyaaniga.

Barcelona ayaa khamiistii xaqiijisay in Dani Alves uu isaga tagi doono Camp Nou, xili maalmo badan la hadal hayay in 33-jirkaan heerka caalami uu isaga tagi doono kooxda.

Juventus ayaa aheyd kooxda ugu badan oo ay wararka xanta ah la xiriirinayeen iney fursad u heysato saxiixa Alves, balse sidoo kalana waxaa jiray warar kale oo tilmaamaya xiisaha Paris Saint Germain ee daafacaan midig.

Si kastaba Dani Alves ayaa sheekooyinkaas soo afjaray isagoo xaqiijiyay inuu waayahiisa kubadda cagta kusii wadan doono Serie A-da iyo kooxda ugu sareysay waayahii ugu dambeeyay.

“Waan ku faraxsanahay mar walba, waana ku faraxsanahay inaan ku biiro Juventus” ayuu yiri Dani Alves oo la hadlayay Sportitalia

“Waxaan doonayaa inaan koobab yurub iyo talyaaniga ah la qaado”

“Koobab badan ayaan la qaaday Barcelona, balse waxaa la gaaray waqtigii aan ku raaxeysan lahaa Italy sidoo kalana aan koobabka yurub u hogaamin lahaa Juve”

Ugu dambeyntiina Dani Alves ayaa xaqiijiyay inuu maalin kusoo laaban doono Barcelona, “Xili dhaw ama xilli fog waan kusoo laaban doonaa Barcelona, wali waxaan ahay taageero Barcelona”