Home » Ciyaaraha » Sir La helay: Man United oo dhameystirtay heshiiska daafaca kooxda Villarreal Eric Baily xilli uu Tijaabada caafimaadka…

Sir La helay: Man United oo dhameystirtay heshiiska daafaca kooxda Villarreal Eric Baily xilli uu Tijaabada caafimaadka…
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 7-06-16 8:20 PM

Daafaca kooxda Villarreal Eric Baily ayaa lasoo warinayaa inuu tijaabada caafimaadka u maray kooxda ka dhisan gegida Old Trafford ee Man United xilli uu ku dhaw yahay dhameystirka heshiiska uu ugu wareegayo.

22 Sano jirkan ayaa si weyn loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqayo kooxda Man United xagaagan, warbixinada hada soo baxayo ayaase sheegayo in xidigan uu dhameystiray heshiiska uu ugu biiri lahaa kooxda.

Daafacan u dhashay dalka Ivory Coasta ayaa noqonayo saxiixa ugu horeeyey ee uu sameeyey macalin Jose Mourinho kaas oo shaqada kala wareegay macalinka laga ceyriyey shaqada Old Trafford ee Louis Van Gaal, Eric heshiiskisa waxaa si rasmi ah loo shaacin doonaa 24 ka saacadood ee ina soo aadan.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in daafacan uu ku imaanayo kooxda Man United 30 Milyan oo ginni, Villarreal ayaase faa’iido weyn ku qabto heshiiska uu Baily ku aadayo kooxda Man United maadaama ay 18 bilood kahor kasoo bixiyeen 4.5 Milyan oo ginni.