Home » Ciyaaraha » Sir Lahelay: Goormee ayuu si rasmi ah Jamie Vardy ugu biiri doono kooxda lala xiriirinayey dhawaanahan ee Arsenal.

Sir Lahelay: Goormee ayuu si rasmi ah Jamie Vardy ugu biiri doono kooxda lala xiriirinayey dhawaanahan ee Arsenal.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 6-06-16 9:20 AM

Weeraryahanka Liecester City Jamie Vardy ayaa lasoo tabinayaa inuu Maanta go’aan ka gaari doono mustaqbalkiisa hadii uu Arsenal ku biiri lahaa iyo hadii kale

29 Sano jirkan ayaa lala xiriirinayey inuu 20 Milyan oo Ginni ugu wareegi doono kooxda ka dhisan gegida Emirates Stadium, kaliya afar todobaad kadib markii uu kooxdiisa la qaaday horyaalka ugu xiisaha badan Premier League.

Weeraryahanka lugta bidix ku ciyaara ee Olivier Giroud ayaa horaantii todobaadkan ka dhawaajiyey in Jamie uu doonayo inuu kusoo biiro kooxda Gunners ka waa sida lagu xusay Shabakada BBC waxaana la filayaa in Jamie uu go’aansado ka tagista Liecester kahor inta aysan xulka England bilaaban tababarkooda Euro 2016.

Waxaa soo baxayey dhawaanahan warar sheegayey in labada kooxood ee Liecester City iyo Arsenal ay yeesheen wada hadal guul kusoo idlaaday iyaga oo inta badan iska fahmay xaalada xidigan weerarka ka ciyaara.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in Jamie Vardy la filayaa inuu qalinka ugu duugo kooxda Gunners ka waxaana soo baxayo warar sheegayo in xidigan uu sanad kale kusii dari karo, balse lama shaacin mushaarka rasmiga ah ee uu ka qaadan doono kooxda uu leyliyo macalin Arsene Wenger.