Home » Ciyaaraha » Skrtel, Lukaku, Strootman, Nolito, Bonucci, Pedro Wararka suuqa ee Khamiista

Skrtel, Lukaku, Strootman, Nolito, Bonucci, Pedro Wararka suuqa ee Khamiista
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 16-06-16 6:43 PM

Waxaan idiin soo Gudbineynaa Wararkii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga Cayaartoyda Maanta ii Khamiis ahayd waxaana lakala doon doonayaa Cayaartoy badan.

Liverpool: Maalqabeeno ka soo jeeda dalka Shiinaha ayaa £700m. Waxa ay ku doonayaan in ay kula Wareegaan kooxda Liverpool ee dalka England (Independent)

Manchester City: Macalinka Cusub ee Man City Pep Guardiola ayaa doonaya in uu lasoo Saxiixdo Weeraryaahnka dalka Spain ee Spain Nolito.kaas oo lagu qiimeeyo Lacag dhan  £14m  (Sun)

Liverpool: Daafaca kooxda Liverpool ee Martin Skrtel,ayaa heshiis lagaaray kooxda dalka Turkiga ee  Fenerbahce Waxaana ay bixin doontaa Lacag dhan £5m (Daily Telegraph)

Everton:Weeraryaahnka Everton ee lagu Magacaabo Romelu Lukaku ayaa loosoo bandhigay heshiis Cusub oo uu Todobaadkii ku qaadan doono Lacag dhan £100,000 Waxaana Everton ay dooneyso in ay diido dalabka kooxaha Chelsea iyo Juventus ay doonayaan Cayaaryahankeeda. (Daily Mail)

Everton:Kooxda Kubada Cagta Everton ayaa £30m ku baadi Goobeysa Xidiga kooxda Roma ee Kevin Strootman, kaas oo uu siweyn u doonayo Macalinka Cusub ee kooxdaas Ronald Koeman kaas oo Xiligaan suuqa ku geli doona Lacag dhan £100m (Liverpool Echo)

Chelsea: Naadiga Chelsea £50m kula soo Saxiixanaysa daafaca Juventus ee Juventus Leonardo Bonucci, kaas oo 29 Sano Jir ah (Gazzetta dello Sport)

Chelsea: Macalinka Cusub ee Naadiga Chelsea Antonio Conte ayaa doonaya in uu soo qaato Goolahayaha Naadiga Marseille Steve Mandanda,oo 31, Sano jir ah (Evening Standard)

Chelsea: Weeraryaahnka kooxda Chelsea Pedro ayaa doonaya in uu dib ugu laabto Horyaalka dalka Spain Gaar ahaan kooxda Barcelona kadib markii uu sheegay in uu laqabsan waayey Horyaalka England.