Home » Ciyaaraha » Sky Sport Oo Dooratay Sadexda Xidig Ee Ugu Muhiimsan Germany vs Italy

Sky Sport Oo Dooratay Sadexda Xidig Ee Ugu Muhiimsan Germany vs Italy
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 2-07-16 12:14 PM

Labada wadan ee ugu guulaha badan wadar ahaan tartan walba ayaa caawa isku wajahaya Euro 2016 wareegiisa Quarter Finalka. Labadaan xul ayaa wadar ahaan ku guuleystay Sideed koob Aduun iyo sidoo kale Afar koobka qaramada yurub ah.

Sky Sports ayaa dooratay sadex xidig oo kulankaan muhiim u ah balse waxaa lama filaan ah iney kasoo muuqan waayeen xidigaha ugu waaweyn labada dhinac sida: Ozil, Kroos, Khedira, De Rossi, Buffon, Neuer, Muller iyo Mario Gomez.

Emanuele Giaccherini

Xidigaan heerka caalami ayaa lama filaan ka dhigay tartanka isagoo noqday mid ka mid ah xidigaha ugu firfircoon xulka qaranka Azzurri.

Xagaagii tagay wuxuu waqti aan wanaagsaneen ku qaatay kooxda Bologna, balse sidaas oo ay tahay Antonio Conte ayaa u doortay inuu xidigaan ka mid noqdo liiska ciyaartoyda ka qeyb galaya tartanka.

Giaccherini waa xidig saameyn ku yeelan kara ciyaarta, hadii ay Jarmalka ku guuleystaan iney xidigaan maaro u helaan waa u muhiim.

Julian Draxler

Julian Draxler ayaa wacdaro ka dhigaya Euro 2016. waa 22-jir afar sano ka hor markii ugu horeysay kasoo muuqday Germany. Sidoo kalana abaalmarinta dahabka ee koobka Aduunka ayuu helay laba sano ka hor.

Draxler wuxuu qeyb weyn ka qaatay in Jarmalka kasoo gudbo Slovakia madama uu gool dhaliyay sidoo kalana uu sameeyay caawinaad.

Jerome Boateng

Germany wali hal gool lagama dhalin taasna waa iney uga mahad celiyaan Jerome Boateng kaas oo ah awoodda ugu weyn ee daafaca xulkaan.

27-jirkaan ayaa sidoo kale gool ka dhaliyay Slovakia, wuxuuna sameeyay dhawr kubad oo uu goosha kasoo bixiyay midda aadka loo xasuustana waa badbaadintii uu sameyay kulankii Ukraine.