Home » Ciyaaraha » Spain Oo Lagu Qasbay Inay Wajahdo Italy Ka Dib Markii La Garaacay, & Turkiga Oo Badiyay .

Spain Oo Lagu Qasbay Inay Wajahdo Italy Ka Dib Markii La Garaacay, & Turkiga Oo Badiyay .
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 21-06-16 9:01 PM

Xulka Spain ayaa laga beeniyay fursad ay kaalinta koowaad ee Group D ugu soo bixi lahaayeen iyagoo haatan wajahaya wareega 16ka xulka Italy halka Croatia ay kaalinta koowaad ku soo baxday ka dib markii ay La Roja 2-1 ku dubteen iyadoo kabtan Sergio Ramos uu gool rigoore ah ka qasaariyay xulka difaacanaya koobkaan, halka xulka Turkiga uu ku hungoobay inay ku soo baxaan kaalinta 3aad inkastoo ay 2-0 kaga badiyeen xulka Czech Republic.

Spain ayaa ciyaar adag kala kulantay xulka Croatia, laakiin xulka difaacanaya koobkaan ayaa hogaanka u qabtay ciyaarta qeybteedii hore markii kubad baas fiican ah uu David Silva u dhex bixiyay Febregas kaasoo isna kubada soo hordhigay goolka, weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata ayaana shabaqa ku taabtay.

 

Alvaro Morata ayaa haatan hogaanka gooldhalinta Euro 2016 waxa uu la qabtay xiddiga reer Wales Gareth Bale iyagoo wada leh min seddex gool.

Dhamaadkii qeybta hore ayayna Croatia barbareysay ciyaarta markii Kalinic uu kubada kaga hormaray Ramos isagoo shabaqa dhex dhigay kubad uu garabka bidix ka soo qaaday Perisic. Waana goolkii ugu horeysay ee ay Spain laga dhaliyo muddo 12 saacadood iyo bar oo kubad ciyaarayeen – 735 daqiiqadood.

FBL-EURO-2016-MATCH32-CRO-ESP

Markii ugu danbeysay ee Spain gool laga dhaliyo tartanka qaramada Yurub waxaa ka dhaliyay xiddigii Talyaaniga Antonio di Natale sannadii 2012.

Qeybtii hore waxa lagu kala maray barbaro 1-1 ah. Bartamihii qeybta labaad waxa ay u muuqatay in Spain ay ciyaarta hogaanka u qabaneyso ka dib markii rigoore loo dhigay iyadoo David Silva qalad lagula galay xerada ganaaxa.

Kabtan Sergio Ramos ayaa rigoorada u soo istaagay laakiin waxa uu darbadiisa ku aadiyay goolhaye Subastic kaasoo ku soo baxay kana badbaadiyay rigoorada.

Ciyaarta oo seddex daqiiqo ay ka harsan tahay ayay xulka Croatia heleen goolka guusha markii kubad rogaalcelis degdeg ah oo ay Croatia soo qaaday ay keentay in Perisic oo caawiye ka ahaa goolkii barbaraha uu shabaqa ka soo taabto David de Gea, taasoo xaqiijisay in Croatia ay kaalinta 1aad ku soo baxdo.

ClgK8OMWQAAbGKF

Dhanka kale xulka Turkiga ayaa guul weyn ka gaaray dhigooda Czech Republic iyagoo ku dubtay 2-0 laakiin taasi uguma filnaanin inay kaalinta 3aad ku soo baxaan, waxaana ay u baahnaayeen inay ugu yaraan 4-0 ku badiyaan si ay booska uga galaan Northern Ireland kuwaasoo haatan iska xaadirinaya wareega 16ka.

Turkiga ayaa labada qeyb ee ciyaarta kala dhaliyay goolasha, waxaa hogaanka u dhiibay Burak Yilmaz daqiiqadii 10aad ka hor inta uusan u labeynin Ozan Tufan daqiiqadii 65aad.

Natiijada ayaana keentay in labada xul ee Turkiga iyo Czech Republic inay ka haraan tartanka Euro 2016.