Home » Ciyaaraha » Sunning Group oo wada iibsanaya Inter Milan (Thohir oo ballantiisii ku fashilmay & Mancini oo xanaaqsan)

Sunning Group oo wada iibsanaya Inter Milan (Thohir oo ballantiisii ku fashilmay & Mancini oo xanaaqsan)
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 1-06-16 7:53 AM

Hay’adda Suning Group oo wada xaajood kula jirtey Inter ayaa la sheegay inay dooneyso inay wada iibsato kooxda Inter Milan 100 boqol iyadoo halkaa ku hakineysa milkiyadd muddada gaaban jirtey ee Erick Thohir, sida ay iluhu kashifayaan.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa waxaa ilaa shalay heeystey wararka noocan ah oo si lama filaan ah hal mar u baahey sidii dab duur ku faafay, iyagoo sheegaya in Chinese-ku aysan doonaynin 20% oo qura lkn ay kooxda oo dhan iibsan rabaan.

Sida uu dhigayo La Gazzetta dello Sport, Thohir ayaa faa’iido badan ka heli doona iibkan maaddaama uu kooxda 70 % kaga iibsadey €250m oo qura bishii Nofeembar 2013, Thohir ayaase hadda iibinaya kooxda oo lagu qiimeeyo €500m.

Iyadoo xanta soo baxaysa qaarkeed ay xitaa sheegayso in Suning ay Inter ku iibsan karto lacag gaareeysa €700-750m.

Wararka noocan ah ayaa rumeeynaya warar la isla dhexmari jirey oo sheegayay in Thohir uu kooxda u iibsadey inuu sii iibiyo uun si uu halkaa wax uga helo, isagoo ilaa haatan ku guuldarreystay inuu kooxda u bedelo brand faa’iido soo saara, balse taa bedelkeeda sanad kasta waxaa soo hoyata khasaare lacageed waxaana loo sababeeyay ka maqnaanshaha kooxda ee CL iyo mashruuc cad oo aan jirin.

Sidoo kale, macallinka Inter ee Roberto Mancini oo haatan ku nasanaya Maraykanka ayaa la sheegayaa inuu aad uga caroodey inaan lala socodsiinin iibkan la sheegayo isagoo sii heeystey ballantii ahayd inay kooxdu sii hoos joogi doonto Thohir.