Home » Ciyaaraha » Suuqa iyo Saakay Kooxda AC Milan oo isha ku aragtay ciyaar yahan ka tirsan Kooxda Real Madrid

Suuqa iyo Saakay Kooxda AC Milan oo isha ku aragtay ciyaar yahan ka tirsan Kooxda Real Madrid
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 4-07-16 7:19 AM

Wararka laga helayo dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Naadiga dalkaas ee AC Milan in ay Heshiiska shaqsiga ah lagaartay Cayaaryahankii hore ee Inter Milan Mateo Kovacic kaas oo hada u dheela Real Madrid.

Mateo Kovacic oo dhawaan un ku biirey Real Madrid ayaa boos Joogta ah ka waayey Maadaam ay Joogaan Xidigaha kala ah Toni Kroos, Luka Modric iyo Casemiro,Waxaana uu doonayaa in uu ka dhaqaaqo kooxda dalka Spain.

Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa daabacay in qaar ka mid ah Madaxda AC Milan ay Todobaadkaan Tagi doonaan Caasimada Spain ee Madrid si ay u dhamaystiraan heshiiska ay ku soo qaadanayaan Cayaaryahankaan.

AC Milan ayaa amaah ku soo qaadan doonta Cayaaryahanka Mateo Kovacic Waxaana uu ogolaaday in uu dib ugu laabto Garoonka San Siro ee Magaalada Milano halkaa oo uu ugu soo dheley kooxda Inter Milan intii uusan ku biirin Real Madrid.