Home » Ciyaaraha » SUUQA :- Jack Wilshere oo si lama filaan ah ugu ugu dhaqaaqaya City & Pep Guardiola oo saxiixiisa labaad ka dhigaya

SUUQA :- Jack Wilshere oo si lama filaan ah ugu ugu dhaqaaqaya City & Pep Guardiola oo saxiixiisa labaad ka dhigaya
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-06-16 6:19 AM

Jack Wilshere ayaa si lama filaan kaga soo muuqday liiska xiddigaha ugu sareeya ee uu doonayo macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola.

Tababaraha cusub ee Manchester City ayaa hore u bilaabay qorshihiisa suuqa isagoo khadka dhexe Ilkay Gundogan ku daray kooxdisa.

Laakiin sidoo kale waxa uu doonayaa ciyaartoy Ingariis ah oo dheeraad ah inuu helo, iyadoo seddex kaliya hadda ay kusugan yihiin kuwasoo kala ah Joe Hart, Fabian Delph iyo Raheem Sterling.

Jack Wilshere spent most of last season out with injury

Wilshere, oo 24 jir ah, waxa uu heer sare kaga jiraa liiskaan macalinka reer Spain, inkastoo inta badan labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay uu la dagaalamayay dhaawac.

Wilshere ayaa sidoo kale diirada u saaraneyd macalinkii ka horreeyay Guardiola ee Manuel Pellegrini oo sanad ka hor dalab ka gudbiyay.

Waxaa laba sano uga harsan tahay heshiiska uu kula jiro Arsenal ,iyadoo lahadal hayo inuu saxiixo heshiis cusub.

Wilshere ayaa tartanka qadka dhexe ah ku geli doona garoonka Emirates iyadoo kooxda dhawaan soo iibsatay Granit Xhaka.