Home » Ciyaaraha » SUUQA KALA IIBSIGA: Chelsea oo ka dulqaaday kooxda Inter Milan saxiixa xiddiga Italy iyo Lazio Antonio Candreva

SUUQA KALA IIBSIGA: Chelsea oo ka dulqaaday kooxda Inter Milan saxiixa xiddiga Italy iyo Lazio Antonio Candreva
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 20-06-16 8:45 PM

Chelsea ayaa dooneysa inay la soo wareegto ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Lazio ee Antonio Candreva.

Blues ayaa la fahamsan yahay inay kaga wanaaagsan tahay saxiixa xiddigan kooxda Inter Milan oo hore dalab kaga gudbisay,

ciyaaryahankaan ayaa awood u leh  inuu ka ciyaaro boosas badan, waana 29 jir waqti fiican ku qaadanaya kooxdiisa Lazio.

Candreva, oo hadda dhanka midig ee khadka dhexe kaga citaaraya xulka Italy ee Euro 2016 ka qeyb galaya, ayaa waxaa uu u dhaliyay kooxdiisa 10 gool xili ciyareedkii laso dhaafay.

Laakiin Candreva ayaa macquul laga dhigay in macalin Conte uu kula biiro kooxda kubada cagta ee Chelsea.

kooxda Inter Milan ayaa hore dalab weyn kaga gudbisay Candreva, lakiin waxaa ka jiidan doona macalinka qaban doona Chelsea kadib Euro.