Home » Ciyaaraha » Suuqa & Saakay: N’Golo Kante waa Arsenal – Man Utd oo ku garaacday Gunners Mkhitaryan – Pogba & Madrid oo heshiis ah iyo sheekooyin kale

Suuqa & Saakay: N’Golo Kante waa Arsenal – Man Utd oo ku garaacday Gunners Mkhitaryan – Pogba & Madrid oo heshiis ah iyo sheekooyin kale
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 10:36 AM

ASC, Kulan wacan aqristaheena sharfta badan, magacaygu waa Mo Omar Osman, waxaad markale kusoo dhawataaan xubintii maalin laha aheyd ee wargeysyada England iyo wararkii ugu xiisaha badnaa saakay oo aad kala socotaan Shabakadda Somalistars.net.

xubintaan waxaa kusoo qadanaa ciwaanada ugu soo jiidashada badan ee wargeysyada ugu caansan England kana faalooda ciyaaraha kubadda cagta,

Sheekooyinkii saaka ugu sareeyay Mirror

  • Adam Lallana iyo Raheem Sterling aya kusoo bilaaban doona xulka England kulanka ka dhanka ah Russia sabtida, iyadoo Wayne Rooney khadka dhexe loosoo celin doono.
  • Arsene Wenger ayaa sii shiday wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan N’Golo Kante isagoo ku tilmaamay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester midka ugu wanaagsan ee ka qeyb galaya Euro 2016.

Sheekooyinkii ugu waweynaa saaka Daily Mail

  • Jamie Vardy ayaa lagu wadaa in laga tago line-upka kulanka England ay la dheelayaan xulka Russia.
  • Daafaca England John Stones ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo Barcelona – iyadoo hadda la rumeysanahay in uu ku biiri doono kooxda Pep Guardiola ee Manchester City.
  • Man United ayaa kula biirtay Arsenal iyo Juventus tartanka saxiixa £ 25m lagu qiimeeyo ee Borussia Dortmund Henrikh Mkhitaryan.
  • Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay siiyan Isco kooxda Juventus si ay kaga helaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhaxe ee reer France Paul Pogba.

Ciwaanadii ugu soo jiidashada badnaa The Sun

  • Manchester United ayaa siin doonta daafaceeda Matteo Darmian kooxda Juventus si uu kaga qeyb noqdo heshiiskaPaul Pogba.
  • Manuel Pellegrini ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay in loo magacaabo macalinka cusub ee AC Milan.

Shekooyinkii ugu waweynaa Express

  • Leicester ayaa diyaar u ah in ay kor u qadaan soo xerogelinta Troy Deeney ka dib markii dalab £ 15m laga soo diiday.
  • Tababaraha cusub ee Chelsea Antonio Conte ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Oscar uu doonayo inuu sii joogo Stamford Bridge.