Home » Ciyaaraha » Taageerayaasha Turkey Oo Ku Oriyay Arda Turan Iyo Macalinkiisa Oo Si Adag U Difaacay

Taageerayaasha Turkey Oo Ku Oriyay Arda Turan Iyo Macalinkiisa Oo Si Adag U Difaacay
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 8:52 AM

Fatih Terim ayaa ku eedeeyay taageerayaasha xulka Turkey orintii ay ku oriyeen Arda Turan intii ay socotay ciyaartii lagu ceebeystay guuldarado 3-0 ah ee ay kala kulmeen Spain.

Turan ayaana garoonka ka dhex muuqan kulankii Croatia wuxuuna kasii liitay kii xalay ee ay la ciyaareen Spain taasoo keentay inuu aflagaado kala kulmo taageerayaashiisa laakin waxaa qanciyay saaxiibkiisa kooxda Barcelona ee Andres Iniesta markii ay ciyaarta dhamaatay.

 Maclainka ayaa yiri “Ma aha wax wanaagsan inaan aragno Arda oo lagu orinayo, ma jiro macalin raba in ciyaartooydiisa sidaas loola dhaqmo,” Terim ayaa saxaafad au sheegay .

“Waa mid kamid ah ciyaartooydeena ugu muhiimsan wuxuuna u qalmaa ixtiraam intaan ka badan, waa inaan u raaxeynaan nafteena laakin sida loola dhaqmay Arda ma ahan si sax ah waana wax saameyn ku yeelan kara ciyaarta, kama fakarayo sababta loo sameeyay laakin waa dhaqan xun”.