Home » Ciyaaraha » Taariikhda EURO, inta uu jiro gooldhaliyeyaashii ugu sarreeyay, koob kasta Gooldhalintiisa imisa ayaa lagu qaaday, yaase qaaday?

Taariikhda EURO, inta uu jiro gooldhaliyeyaashii ugu sarreeyay, koob kasta Gooldhalintiisa imisa ayaa lagu qaaday, yaase qaaday?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 9:10 AM

Dhowaanahan waxaan idiid wadnay Tixane aan uga hadleynay tartanka Euro oo 1960-kii lasoo billaabay ciyaaristiisa, waxaa jira xulal gooldhalinta tartankan taariikh ka sameeyay tan iyo xilligaas, ninka ugu goolasha badan waa Michel Platini oo Faransiis ah, kaliya 1 sano ayuuna waligiis koobkan ciyaaray.

Gooldhaliyeyaashii ugu sareeeyay, mar qura ayaa laga yaabaa in ay wada qaadaan gooldhalinta 5 ama wax ka badan oo ciyaartoy ah sanadkiiba inta ciyaartoy ee ku hor qoran ayaa qaadday, goolashuna waa tirada ka hor muuqata sanadka, weliba waxaa jira xilli faqri laga ahaa gooldhalinta oo koobka Gooldhalintiisa lagu qaadan jiray 2 gool.

Sanadka iyo Gooldhaliyeyaasha.

1960: Min 2 gool waxaa dhaliyay, François Heutte (France), Viktor Ponedelnik (USSR), Valentin Ivanov (USSR), Drazen Jerković (Yugoslavia), Milan Galić (Yugoslavia)

1964: Min 2 gool waxaa keensaday Jesús Pereda (Spain), Ferenc Bene (Hungary), Dezső Novák (Hungary)

1968: 2 gool waxaa ku qaaday Dragan Džajić (Yugoslavia)

1972: Waxaa 4 gool markii u horreysay Koobkan ka dhaliyay Gerd Müller (West Germany)

1976: Mar kale 4 waxaa dhaliyay Dieter Müller (West Germany)

1980: Hoos ayey u dhacday oo 3 gool waxaa ku qaaday Klaus Allofs (West Germany)

1984: Goolashii ugu badnaa abid 9 gool waxaa dhaliyay Michel Platini (France)

1988: 5 gool waxaa ku qaaday Marco van Basten (Netherlands)

1992: waxaa loo laabtay 3 gool waxaana ku wada qaaday Henrik Larsen (Denmark), Karlheinz Riedle (Germany), Dennis Bergkamp (Netherlands), Tomas Brolin (Sweden)

1996: 5 gool waxaa dhaliyay Alan Shearer (England)

2000: Min 5 Waxaa wada dhaliyay Patrick Kluivert (Netherlands), Savo Milošević (Yugoslavia)

2004: 5 Gool waxaa ku qaaday Milan Baroš (Czech Republic)

2008: Waxaa 4 gool dhaliyay David Villa (Spain)

2012: Min 3 gool waxaa ku qaaday Fernando Torres (Spain), Alan Dzagoev (Russia), Mario Mandžukić (Croatia), Mario Gomez (Germany), Mario Balotelli (Italy), Cristiano Ronaldo (Portugal)

Qaranka 1-sano ugu dhaliska Badan.

1960: Waxaa ugu goolal badnaa Yugoslavia oo dhalisay 6

1964: Waxaa is garbiyay Spain, Russia, Hungary oo dhaliyay min 4

1968: Kaliya Italy ayaa dhalisay 3

1972: Kaliya West Germany ayaa dhalisay 5

1976: Kaliya West Germany ayaa dhalisay 6

1980: Kaliya West Germany ayaa dhalisay 6

1984: waa lala yaabay oo France ayaa dhalisay 14

1988: Kaliya Netherlands ayaa dhalisay 8

1992: Kaliya Germany ayaa la timid 7

1996: Kaliya Germany ayaa dhaliyay 10

2000: Xulalka France, Netherlands ayaa dhaliyay min 13

2004: Xulalka England, Czech Republic ayaa la yimid min 10

2008: Kaliya Spain ayaa dhalisay 12

2012: Kaliya Spain ayaa dhalisay 12

Ugu dambeyntiina dhammaan tartamada Euro waxaa ugu goolal badan

9: Waxaa dhaliyay Michel Platini (France)

7: Waxaa keenay Alan Shearer (England)

6: Saf ah waxaa wada dhaliyay, Zlatan Ibrahimović (Sweden), Thierry Henry (France), Patrick Kluivert (Netherlands), Nuno Gomes (Portugal), Cristiano Ronaldo (Portugal), Ruud van Nistelrooy (Netherlands).

Halkaas waxaan ku hakinayaa qeyb kale oo ka mid ah Tixanaheena Euro tan iyo 1960-kii oo aan idinkugu soo gudbineynay Kulaad.com, maalinba dhinac inaga oo ka eegeyna.