Home » Ciyaaraha » Tababaraha Germany Joachim Low Oo Tilmaamay In Finalka Rasmiga Ah Ee Euro 2016 La Ciyaari Doono Caawa

Tababaraha Germany Joachim Low Oo Tilmaamay In Finalka Rasmiga Ah Ee Euro 2016 La Ciyaari Doono Caawa
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 2-07-16 12:26 PM

Tababaraha xulka Germany Joachim Low ayaa aaminsan in kulanka caawa ay ku wajahayaan xulka Italy uu soo saari doono xulka ku guuleysan doona koobka Euro 2016.

Ku guuleysteyaasha Koobka Adduunka Germany ayaa wacdaro ka dhigaya Euro 2016 illaa haatan, laakiin waxay ka hor imaanayaan xulka Italy oo qaab ciyaareed hallaasi ah kusoo bandhigay tartankaan isla markaana wareegga 16ka tartankaan kusoo reebay xulka Spain.

Tababare Low ayaa sheegay inuu kulanka caawa yahay finalka rasmiga ah ee Euro 2016: “Weli waddo dheer ayaa tartanka ka dhimman, laakiin ku guuleysteyaasha kulanka caawa ayaa malaha ugu cadcad inay hantaan koobka Euro 2016.

“Haa, aniga ahaan Germany waa laga yaabaa inaan koobka ku guuleysano inkastoo ay jiraan xulal kale oo xoogan, Italy iyo France ayaana leh ujeedkeena oo kale. Labadeena Italy iyo Germany ayaa leh awoodda aan kula guuleysan karno Euro 2016 laakiin waa inaan kulankaan marka hore diiradda saarnaa.”

Ku guuleysteyaasha kulanka caawa ayey u badan tahay inay wareegga afar dhammaadka Euro 2016 ku wajahaan xulka France, laakiin waa haddii Faransiisku ay kasoo adkaadaan Iceland oo afka ciidda usoo dartay xulka England.

Laakiin Germany abid kama adkaan xulka Italy ciyaar tartan caalami ah, wuxuuna hadalkiisa ku daray Low: “Waan isku diyaarinay halis kasta oo aan kala kulmi karno Italy difaac ahaan iyo weerar ahaan waana garanayaan ciyaartoyda Germany sida loo qabto shaqada nuucaan ah.”