Home » Ciyaaraha » Tababaraha kooxda Liverpool Klopp oo qarka u saaran in xiddig lagu qiimeeyo £ 30m uu ku garaaco Qaar kamid ah kooxaha waa weyn.Hadaba waa kuma xidigaas?

Tababaraha kooxda Liverpool Klopp oo qarka u saaran in xiddig lagu qiimeeyo £ 30m uu ku garaaco Qaar kamid ah kooxaha waa weyn.Hadaba waa kuma xidigaas?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 6:37 AM

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa diyaar u ah in uu soo iibsado Sadio Mane oo uu ku bixin doono lacag dhan £ 30million.

Klopp ayaa doonaya weeraryahanka dheereeya ee Southampton si uu ugu dhigo saxiixiisa ugu weyn ee xagaaga iyadoo lagu dhawyahay hadda in heshiiska Afka ah uu dhaco,

Macalin Kop ayaa u dhaqaaqay xiddigan oo diirada ay usarana tahay kooxda Manchester United ,iyadoo tababaraha cusub ee United Mourinho uu u doonayo ciyaryahankaan garoonka Old Trafford.

Liverpool ayaa diyaar u ah in ay bixiso £ 25m oo lagu daray wax qabadka dheeraadka ah ee uu sameeyo xiddiga Senegal xili ciyaareedkiisa ugu horeeya kooxda.

haddii Mane, oo 24 jir ah, uusan imaan garoonka Anfield, Klopp aya diyaarin doono qqorshe kale oo uu ku keenayo saxiix weyn.

Tallaabadan ayaa ayaa ah mid macalinka Liverpool uu cadaadis ku saarayo weeraryahanka England Daniel Sturridge oo dhawacyo ay hareeyeen.