Home » Ciyaaraha » Tageerayaasha dalka England oo Weerar ku qaaday Macalin Roy Hodgson

Tageerayaasha dalka England oo Weerar ku qaaday Macalin Roy Hodgson
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 22-06-16 7:41 AM

Taageerayaasha Xulka dalka England ayaa Weerar Warbaahineed ku qaaday Macalinka dalkooda Roy Hodgson iyaga oo Codsaday in deg deg shaqada looga Cayriyo.

Roy Hodgson ayaa Magaciisu qabsaday baraha bulshada iyada oo aad loogu dhaleeceynayo bareejadii 0-0 ahayd ee uu galay kulankii u dambeeyey ee Wareega Gruubyada taas oo keentay in England ku dhamaystaan Kaalinta labaad halka Wales ku soo baxday kaalinta koowaad.

Three Lions ayaa qatar ugu jirta in ay ku dhacaan Portugal Waxaa kaloo ay Sugayaan wado aad u dhiban oo ay ku dhici doonaan dalal Waa weyn Sideed dhamaadka iyo Afar dhamaadka intaba waxaana taas mas uu liyadeeda dhabarka loo saaray Macalinka dalka England oo Fariisiyey Cayaartoy muhiim ahayd kulankii u dambeeyey.

hod-sack