Home » Ciyaaraha » Theo Walcott Ama Gonzalo Higuaín – Waa Kee Saxiixa Weerar Ee Ugu Horeeya Liverpool ?

Theo Walcott Ama Gonzalo Higuaín – Waa Kee Saxiixa Weerar Ee Ugu Horeeya Liverpool ?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 25-06-16 7:03 AM

Starsport ayaa baahisay maanta in Liverpool ay u baahan tahay xagaagan ciyaartooy maga iyo taryo leh in ay ka qaataan suuqa kala iibsiga.

tiro ka mid ah qodobada muhiimka ah ee la falanqeeyay waxaa kamid ah nooca ciyaaryahan ee ay kooxda u bahan tahay iyo waxa uu soo kordhin karo.

Macalkinka Germany, ee kooxda Hogaamiya ayaa hadda heysta laba dalab oo uu heli karo,waana xiddiga Arsenal Walcott oo suuqa yaala iyo weeraryahanka Napoli Gonzalo Higuaín,

Labadaan qorsha ayaa ah mid fakir badan kaga baahan Liverpoolo, tusaale ahaan Gonzalo Higuaín saxiixiisa ayaa noqon kara mid dhibaato lagala kulmo madaama kooxo waweyn uu diirada u saran yahay.

Halka Weeraryahanka Arsenal Theo Walcott  inkastoo kooxduisa ku fara adeegi karto haddana uu ka qiimo yaraan doono xiddiga Napoli.

Klopp ayaa qorshaha ugu dhaw uguna fudud waxa uu yahay saxiixa xiddiga Theo Walcott, inkastoo dagaalka ugu badan ay ku wajihi karaan West Ham oo dalab qaali ah ka gudbisay.