Home » Ciyaaraha » Top Chelsea Oo Ku Dhawaaqdey, Isla markaana Soo Bandhigtey Saxiixeeda Cusub, Kaa Oo………

Top Chelsea Oo Ku Dhawaaqdey, Isla markaana Soo Bandhigtey Saxiixeeda Cusub, Kaa Oo………
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 3-07-16 6:49 PM

Kooxda Chelsea ayaa dhameystirtay saxiixa weeraryahanka xulka qaranka Belgium iyo Kooxda Marseille ee Michy Batshuayi.

kooxda chelsea ayaa saxiixa xiddigan ku garaacaday kooxaha West Ham,Crystal Palace iyo Juventus laakiin kooxda chelsea ayaa ku guulaystay saxiixa weeraryahankan.

Waxa la fahansanyahay in ay kooxda chelsea ka soo bixisay xiddigan lacag dhan £33.2m.

Xiddigan ayaa websiteka kooxda u sheegay markii lagu dhawaaqay saxiixiisa”Waxan ku faraxsanahay in aan u saxiixay koox ka mid ah kooxaha ugu waaweyn caalamka waxa ii bilaabmaya qayb cusub oo noloshayda ah waxa aan soo bandhig doonaa qaab ciyaareed fiican si aan kooxda uga caawiyo sidii ay guulo u gaadhi lahayd”

“‘Eden Hazard iyo Thibaut Courtois ayaa kooxdan iiga sheegay waxyaabo badan oo fiican waxan aan sugi laayahay in aan bilaabo ciyaarista kooxda chelsea iyo waliba in aan la kulmo tabaraha cusub ee kooxda Antonio Conte”.

XILI CIYAAREEDKII HORE MICHY BATSHUAYI MUXUU KOOXDIISA U QABTAY

Wuxuu ciyaaray: 36

Goolasha: 17

Wuxuu caawiyey: 9 jeer

Inta shuud uu gamay: 122

Chelsea Chelsea3 Chelsea1