Home » Ciyaaraha » Top Manchester United oo £ 80 milyan Kaga Afduubatay Real Madrid xiddiga France Paul Pogba – Mourinho Oo Toos Ula Hadlay Ciyaaryahanka Kana dhaadhiciyay Wax Walba

Top Manchester United oo £ 80 milyan Kaga Afduubatay Real Madrid xiddiga France Paul Pogba – Mourinho Oo Toos Ula Hadlay Ciyaaryahanka Kana dhaadhiciyay Wax Walba
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 25-06-16 6:56 AM

Manchester United ayaa la sheegay in ay diyaar la tahay qiimo ku kacaya £ 80m, in ay Real Madrid kaga Afduubtaan xiddiga reer France ee Paul Pogba.

SunSport ayaa daaha ka qaaday in United ay tahay kooxda ugu horeysa ciyaaryahanka khadka dhaxe ee kooxda Juventus marka ay timaado in lala wareegto kadib Euro 2016.

Waxay kordhiyeen dalabkoodii hore ee £ 60m ahaa, iyadoo ku daray £ 20m kale si ay u helaan saxiixa 23-sano jirkaan sida weyn loo doon doonayo.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, ayaa ku laaaban kara kooxdii uu Afar sano ka hor beeca xorta ah kaga tagay ee Manchester United.

Tababaraha cusub ee Manchester Jose Mourinho ayaa si toos ah ula hadlay Pogba si uu kaga dhaadhicyo aragtida ah inuu kala shaqeeyo United.

Pogba ayaa waxa uu soo jiitay hamiga Mourinho, laakiin wuxuu doonayaa in uu arko isagoo u ciyaaaraya Real oo hore dalab kaga gudbisay.

Wakiilkiisa xiddigan Mino Raiola, ayaa sheegay in labada koox ee Manchester United iyo Real Maadrid ay yihiin kuwa ugu dambeeya ee ku dagaalamaya saxiixa Pogba

Barcelona ayaa u muuqata mid ka hartay tartanka Pogba, iyadoo la mashquulsan heshiisyo cusubin ay ka dhaadhiciso Neymar iyo Lionel Messi.