Home » Ciyaaraha » Top Super Mario oo dib ugu soo laabtay Liverpool miyaa la wacay mise si qasab ayuu ku imaaday

Top Super Mario oo dib ugu soo laabtay Liverpool miyaa la wacay mise si qasab ayuu ku imaaday
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 3-07-16 9:00 AM

Weeraryahanka qilaafka badan ee u dhashay dalka Talyaaniga Mario Balotelli ayaa Wax ka bilaabay tababarka Naadigaas oo bilaawday sabtigii shalay ahaa waxaana Cayaaryaahkaan uu dib uga soo laabtay heshiis amaah ahaa oo uu ugu dheelayey Xiligii soo dhaafay AC Milan.

Mario Balitelli ayaa 2 bilood ka hor Waxa uu sheegay in uusan marna dib dambe ugu laaban doonin Liverpool balse danta ayaa ku qasabtay Markii uu Waayey koox lagaarta heshiis uu ugu dheelo ama iibsata.

Cayaaryahan Mario Balotelli oo hada 25 Jir ah isla markaana Xili ahaa Xidig Calankiisu ba banayo ayaa hada Waxa uu marayaa in uu waayo koox uu u dheelo iyada oo kooxda uu heshiiska uu kula jiro ee Liverpool ay cadahay in uusan boos ka heli doono Waxaan jooga Cayaartoy isaga kaga wanaagsan Weerarka.

1 2 3 4 5 6 7 8