Home » Ciyaaraha » Uefa Oo Bilaabeysa Baaritaan Ku Aadan Dhibaatadii Ay Taageerayaasha Croatia Geysteen Shalay Iyo Xulkaan Oo Laga Yaabo Iney Macsalaameeyaan Tartanka

Uefa Oo Bilaabeysa Baaritaan Ku Aadan Dhibaatadii Ay Taageerayaasha Croatia Geysteen Shalay Iyo Xulkaan Oo Laga Yaabo Iney Macsalaameeyaan Tartanka
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 8:00 AM

UEFA ayaa furi doonta dacwad ka dhan ah Croatia maalinta sabtida ah kadib markii ah fowdo ka kiciyeen tartanka Euro 2016 kulankii ay la lahaayeen Czech Republic.

Ciyaarta ayaa la joojiyay iyadoo Mark Clattenburg uu ciyaartooyda ku amray iney meel gaar ah isugu tagaan kulankii barbaraha kku dhamaaday waxaana garoonka soo galay shaqaalaha ilaalada garoonka si ay u damiyaan dab u ay soo tuureen taageeryaasha xulka Croatia iyadoo dhacdada kadib ay ciyaartooyda qaar ku ordeen taageerayaashooda si ay uga codsadaan iney joojiyaan dhibaatada.

War rasmi ah oo ay soo saartay UEFA ayaa u dhigmeysay “Talaabooyin anshax lagu baarayo ayaa furmi beri oo sabto ah, Uefa waxay warbixin rasmi ah ka heshay wafidigii garoonka iyo garsooraha ciyaarta”

flares-euro-2016-croatia-czech-republic_3485935

The Czech Republic ayaa ciyaarta barbareysa markii ninka ree England ee Clattenburg uu rigoore ku abaalmariyay laakin intaas ugama eka qasaaraha xulka Croatia oo sidoo kale loo heysto in taageerayaashooda ay kulankii ay la ciyaareen Turkey daareen dhamaan aaladaha weyliya marka uu dabka kaco sidoo kale ay dhulka soo dhigeen dab damiyeyaashi ku xirnaa garoonka sidoo kale uu taageere garoonka soo galay.