Home » Ciyaaraha » Waa kee ciyaaryahanka kaliya ee uusan la wadaagin fariintiisa macsalaameynta Macalinkii Spain Vicent Del Bosque

Waa kee ciyaaryahanka kaliya ee uusan la wadaagin fariintiisa macsalaameynta Macalinkii Spain Vicent Del Bosque
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 1-07-16 10:50 AM

Vincent Del Bosque oo 65-jir ah ayaa iska casilay xilka tababaranimo ee xulak qaranka Spain kadib fashilkii Euro 2016, balse wuxuu shaaca ka qaaday in xidig walba oo ka mid ahaa xidigaha Spain uu fariin qoraaleed ugu sheegay marka laga reebo hal ciyaariyahan.

Khamiistii ayuu Del Bosque ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka tababaranimo xilli Spain ay ku fashilantya markii sadexaad oo xiriir ah iney qaadaan tartanka waxeyna qasaaro 2-0 ah kala kulmeen Italy.

Del Bosque oo Euro 2012 iyo World Cup 2010 u qaaday Spain ayaa xaqiijiyay in Iker Casillas uu yahay xiddiga kaliya oo uusan fariintiisa u dirin madama uusan wax weyn u arkin shaqo ka tagistiisa.

“Saaxiibadiisa koxda wey fiican yahiin, sax, balse shaqaalaha tababarka waa si ila mid ah” Ayuu yiri Del Bosque oo la hadlayay El Larguero.

“Taasina waa sababta aan halkaas ciyaariyahan oo Casillas ah aan ugu dirin fariinta”

“Wuxuu iga dareemayaa xumaan aniga, sidoo kale macalinka tababarka Javier Minano iyo sidoo kale caawiye Toni Grande. qof walba oo kale wuu u faraxsan yahay, balse anaga ayuu naga careysan yahay”

“Waxaa hubaal ah inuu la dhibtoonayo ama iga xumaaday, waan fahansanahay taas, wuxuu ku fakaray inaan wax qalad ah sameynay” ayuu yiri Del Bosque oo difaacaya go’aanka uu De Gea kaga doortay Casillas.

“Balse waxaan ku bogaadineynaa inuu yahay xidig 167-kulan u saftay xulka qaranka, ma aaminsani in sadex ama afar kulan ay dhaawaceyso inuu sii wato”

“Casillas ima niyad jabin. aad baan ugu mahad naqayaa isaga. waxaan aqaanay ilaa sagaal jirkiisii”

Ugu dambeyntii Del Bosque ayaa si fiican ukala cadeeyay in Iker Casillas uu xumaan u qaaday macalinkiisa inkassto marka loo eego bandhigisa laga mudnaa in booska 1-aad lagu aamino.