Home » Ciyaaraha » Waa Kuma Goolhaya Koobaad Ee Matalaya Xula Qaran Spain Euro 2016 David de Gea Mise Iker Casillas

Waa Kuma Goolhaya Koobaad Ee Matalaya Xula Qaran Spain Euro 2016 David de Gea Mise Iker Casillas
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 7-06-16 5:28 AM

Tababaraha xulka qaranka Spain Vicente del Bosque ayaa sheegay in aanu hubin goolahayaha ku soo bilaabanaya kulanka ugu horeeya ee Euro 2016 laakiin waxa uu sheegay in David de Gea uu fursad u help kulanka Czech Republic.

De Gea iyo captain Iker Casillas ayaa ku tartami doono goolhayaha 1-aad ee xulka qaranka spain ee ka qayb galaya kooba qaramada yurub halkaas oo ay kula kulmi doonaan xulalka   Czech, Turkey iyo Croatia.

Xiddigaha xulka qaranka Spain ayaa soo dhamaysatay diyaargarawgii kadib ciyaartii saaxiibtinimo ee ay la ciyaareen xulka qaranka Georgia salaasadii.

Isaga oo ka hadlaya shirkiisii jaraa,id ee ka horeeyay kulanka Croatia tababarahan ayaa carabka ku adkeeyay in aanu ku degdegi doonin waxa doorasho ah ilaa la gaadho wakhtiga saxda ah.

“waxa Macquul ah in De Gea ciyaari doono kulanka Croatia Casillas uu isna ciyaaro kulanka xiga ama Casillas uu ciyaaro kulan ugu horeeyaa ee Croatia Runtii wali maan gaadhin wax go,aan ah oo ku saabsan shaxda aan ku soo gali doonoo garoonka waan eegi doonaa waxa dhaca”ayuu yiri Del Bosque.