Home » Ciyaaraha » Waa Kuma Ninka loo magacaabi doono Tababaraha Cusub ee Xulka England Kadib markii oo is casilay Roy Hodgson

Waa Kuma Ninka loo magacaabi doono Tababaraha Cusub ee Xulka England Kadib markii oo is casilay Roy Hodgson
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 28-06-16 7:01 AM

Guulo uu kasoo hooyo tartanka  Euro 2016 ayaa loo arkay inay lagama maarmaan u tahay Hodgson si uu u sii joogo booskiisa tababarnimo Gudoomiyaha FA Greg Dyke ayaa mowqifkiisa ahaa in macalinka loo fiirin doono waxa qabadkiisa koobka qaramada qaarada yurub.

Gareth Southgate ayaa noqonaya ninka ugu cad cad ee badeli kara Tababaraha England ee Roy Hodgson ka dib markii uu is casilay xalay.

Hodgson ayaa shaqa ka tagay ka dib markii si lama filaan ah guuldarro 2-1 ka soo gaartay xulka yar ee Iceland isagoo kooxdiisa isaga  hartay Euro 2016.

 

macalinkii hore ee Fulham iyo Liverpool ayaa xaqiijiyay in uu ka tago xilka tababarnimo uu u haayay xulka iyadoo ay la socdaan tababarayaasha  Gary Neville iyo Ray Lewington.

Southgate ayaa haatan ah tababare xulka England U- 21-oo waxa uu keenay inay xulka u soo baxaan  sanadkii hore tartanka European Championship, in kastoo ay ku dhameysatay kaalinta ugu hooseysa group-kooda a oo ay ku wada jireen Portugal, Sweden iyo Italy.