Home » Ciyaaraha » Waa kuwee 11 kii ciyaaryahan ee ugu wanaagsaneyd wareega group yada koobka sida habsamida ugu socda France

Waa kuwee 11 kii ciyaaryahan ee ugu wanaagsaneyd wareega group yada koobka sida habsamida ugu socda France
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 23-06-16 12:19 PM

Ciyaarihii group-yada ee tartanka Euro 2016 ayaa soo dhammaaday xalay oo Khamiis aheyd, shabakadda caalamiga ah Goal.com ayaana soo saartay shax ka kooban 11kii ciyaaryahan ee ugu fiicnaa ciyaarihii wareega koowaad ee tartanka ka soconaya Faransiiska.

MICHAEL MCGOVERN | Northern Ireland | Waa wax caddaalad u muuqda in McGovern lagu abaalmariyo booska goolhaye ee kooxdaan ka dib markii uu qaab ciyaareed geesinimo leh soo bandhigay isla markaana uu xulka yar ee Northern Ireland usoo saaray ciyaaraha bugbaxda ee tartanka Euro 2016. Goolhayahaaan ayaa xulka tababare Michael O’Neill ka badbaadiyey goolal badan oo ay ka dhalin lahaayeen xulka Germany taasoo ka caawisay inay usoo baxaan wareegga xigga maadaama ay farqiga goolasha uga fiicnaayeen xulka Turkey oo kula tartamayey booskaan.

DARIJO SRNA | Croatia | Daafacaan dambeedka midig ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah inkastoo ay xaqiiqdu tahay inay murugo shaqsi ahaaneed heysatay ka dib markii uu qurbaxay aabihiis ka dib ciyaartii furitaanka tartankaan ee ay guusha 1-0 ah ka gaareen xulka Turkey. Qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa xulkiisa ka caawiyey guul ka gaaraan xulka difaacanaya tartankaan ee Spain isla markaana ay kusoo baxaan kaalinta koowaad ee Group D.

LEONARDO BONUCCI | Italy | Azzurri marnaba lagama fisho inay niyadjab kala soo hoyato tartan weyn, laakiin wiilasha tababare Antonio Conte ayaa adduunka u caddeeyey waxa ay yihiin ka dib markii ay guuldarro 2-0 ah dhabarka u saareen xulka Belgium ciyaartoodii furitaanka. Bonucci ayaana fure u aahaa guushaas maadaama uu wacdaro ka dhigay dhanka daafaca, waxay dardareen Sweden laakiin Republic of Ireland ayaa guul lama filaan ah ka gaartay ciyaartoodii ugu dambeysay.

MICHAL PAZDAN | Poland | Seddaxdii kulan ee ciyaaraha koowaad Poland ayaa shabaqa ilaashatay isla markaana usoo baxday wareega bugbaxda tartankaan inkastoo ay xaqiiqdu tahay inay ku dhibtoonayeen inay goolal dhaliyaan, Pazdan ayaa wacdaro ka dhigay daafaca wadnaha dhexe. Wuxuu gool u diiday xulka heysta Koobka Adduunka ee Germany taas ayaana fure u aheyd inay ka dhabeeyaan riyadooda wareega 16ka ee tartankaan.

JONAS HECTOR | Germany | Waa daafaca keliya ee dambeedka bidix ee seddax kulan oo xiriir ah shabaqa ilaashaday ciyaarihii wareega koowaad ee Euro 2016, wuxuuna boos joogto ah ka heystay xulka Germany inkastoo uusan ka mid aheyn kooxdii ku guuleystay Koobkii Adduunka 2014kii. Daafaca kooxda FC Koln ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed qaraw ku riday xiddigaha qadka dhexe ee xulalka Ukraine, Poland iyo Northern Ireland iyagoo ku dhammeystay kaalinta koowaad ee Group C.

GRANIT XHAKA | Switzerland | Inkastoo aysan qaab ciyaareed xoogan uga soo bixin Group A ka dib markii ay guul dirqi ah ka gaareen xulka Albania isla markaana ay barbardhac la galeen xulalka France iyo Romania, muran kuma jirin sida uu qaab ciyaareed heer sarre ah usoo bandhigay saxiixa cusub ee Arsenal Xhaka. Keliya Toni Kroos ayaa dhammeystiray baasas ka badan intii lagu jiray ciyaaraha wareega koowaad marka loo fiirsho xiddiga qadka dhexe ee xulka Swiss.

MAREK HAMSIK | Slovakia |  Mid ka mid ah qaab ciyaareedyadii ugu wanaagsanaa ee uu shaqsi kusoo bandhigo Euro 2016 ayaa laga calaameeyey xiddigaan qadka dhexe ciyaartii ay wajaheen xulka Russia, ka dib markii uu kala dhantaalay daafaca Russia. Qaab ciyaareedkiisa ayaana sabab u ahaa in Slovakia oo markeedii ugu horreysay ciyaareysay ciyaaraha European Championships tan iyo markii ay noqdeen dal madax bannaan ay usoo baxaan wareega 16ka tartankaan, balse ammaanta guushooda inta badan waxaa iska leh xiddiga qadka dhexe ee kooxda Napoli.

ANDRES INIESTA | Spain | Hal abuuraha qadka dhexe ayaa markale adduunka tusay sida uu fure ugu yahay xulka Spain labadoodii kulan ee furitaanka ee ay guulaha ka gaareen xulalka Czech Republic iyo Turkey. Xitaa qaab ciyaareed wanaagsan ayuu soo bandhigay ciyaartii ay guuldarrada kala kulmeen xulka Croatia. Xiddiga Barcelona ayaa doonayey inuu gamo rigooradii xulkiisa ee uu dhalin waayey Sergio Ramos taasoo keentay inay La Roja guuldarro kala kulanto Croatia, laakiin weli wuxuu boos ka helay kooxdii ugu wanaagsaneyd ciyaarihii koowaad ee tartankaan.

DIMITRI PAYET | France | Geesigaan ayaa qaab ciyaareed aan laga fileyn kusoo bandhigay Euro 2016 wuxuuna France ka caawiyey inay guul soo daahday ka gaarto xulka Romania, halka uu sidoo kale shabaqa soo taabtay ciyaartii ay guuldarrada huwiyeen  Albania, Payet ayaa saameyn weyn ku lahaa xulkiisa. Balse xaqiiqada ayaa ah in aanan la saadaalineyn inuu tababare Didier Deschamps boos joogto ah siin doono xiddigaan ka hor bilowgii tartankaan, haatanse lama filayo inuu keyd geliyo weeraryahanka West Ham United inta uu xulka Les Bleus ciyaarayo Euro 2016.

GARETH BALE | Wales | Waa ciyaaryahanka keliya ee shabaqa soo taabtay dhammaan seddaxdii kulan ee group-yada Euro 2016, Bale ayaana qaab ciyaareed halyeeynimo ah soo bandhigay isla markaana xulkiisa Wales ka caawiyey inay usoo baxaan ciyaaraha bugbaxda tartan weyn keliya markoodii labaad taariikhda markii ugu dambeysay ee ay sidaan sameeyeen waxay aheyd Koobkii Adduunka sannadkii 1958kii.

ALVARO MORATA | Spain | Kuma uusan soo bilaaban kulankii labaad ee xulka Spain ka dib markii uu qaab ciyaareed liitay soo bandhigay ciyaartii furitaanka ee ay wajaheen xulka Czech Republic. Laakiin tababare Vicente del Bosque ayaase fursad siiyey Morata kaasoo tababarihiisa ku abaalmariyey inuu seddax gool ka dhaliyey labadii kulan ee xiggay, waxaana la jecleystay sida uu ugu fiican yahay ka ciyaarista weerarka dhexe, dhaqdhaqaaqiisa iyo darbooyinkiisa haleela booska uu ugu talogalay.

Shaxda-Ugu-Wanaagsan-Euro-2016