Home » Ciyaaraha » Waa La Xaqiijiyay : Arsenal Oo Hishiis 5 Sano Ah Ka Saxiixatay Kelechi Nwakali

Waa La Xaqiijiyay : Arsenal Oo Hishiis 5 Sano Ah Ka Saxiixatay Kelechi Nwakali
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 13-06-16 12:07 PM

Arsenal ayaa la xaqiijiyay in ay hishiis 5 sanno ah ka saxiixdeen Kelechi Nwakali , waxaana sidaas laga xaqiiyay Nigeria

Academy-yadiisa Nieria ayaa laga soo xigtay in laacibka hishiis caalami ah u saxiixay kooxdaas Arsneal sida laga soo xigtay madaxa Footballa Academy ee Martin Apugo oo u waramayay allnigeriasoccer.com.

Laacibkaas 18 sano jirka ah ayaa horay u yimid Arsenal si arimaha hishiiska loo dhameeyo balse dalkiisa ayuu dib ugu laabtay si uu ugu biiro qaranka Nigeria

Nwakali ayaa sanadkii hore wacdaro ka dhigay koobkii aduunka ee 17 sano jirada xilligaas oo uu Arsneal soo jiitay

Arsneal inkastoo weli aysan xaqiijin arintaas hadana waxaa wargeyskaas laga soo xiganayaa in hishiiska laacibkaan ku baxday aduun gaarayay 3 milyan oo gini