Home » Ciyaaraha » Wakiilka Paul Pogba Mino Raiola oo dib isaga weeraray tabiyaha ciyaaraha Gary Lineker oo dhulka ku jiiday ciyaaryahanka

Wakiilka Paul Pogba Mino Raiola oo dib isaga weeraray tabiyaha ciyaaraha Gary Lineker oo dhulka ku jiiday ciyaaryahanka
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 30-06-16 11:15 AM

Ciyaaryahanka u dhashay dalka France Paul Pogba ayaa lala xiriirinayey inuu u dhaqaaqayo kooxda Manchester United tan iyo markii uu xilka macalinimo ee kooxdaaas uu la wareegay ninka u dhashay dalka Portugal Jose Mourinho.

Paul Pogba ayaanan bandhig wanaagsan ka sameyneyn kulamada Euro 2016 si lamid ah sidii uu ka sameeyey Serie A xilli ay Dimitri Payet iyo Antoine Griezmann ay noqdeen ciyaaryahanada laga far muuqay xulka lagu naaneeso Les Blues.

Tabiyaha caanka ah ee Gary Lineker ayaa si cad u weeraray ciyaaryahanka kooxda Juventus xilli uu ku eedeyey bandhig liita kulankii ay xulka France ka hor tageen dhigooda Republic of Ireland.

“Marka uu Gary Lineker uu ka hadlayo Paul Pogba, uguma hadlo sida ay xaqiiqdiisa tahay, waxaan xusuustaa inuu yiri hadii uu Claudio Ranieri uu kula guuleysto horyaalka Ingiriiska kooxda Liecester City waxa uu dadka usoo bandhigi doonaa surwaal hooseedkiisa (Boomadiisa), midaas ayaana wax waliba kuu cadeyneysa” Raiola ayaa sidaas u sheegay Rai Sports Italia.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in Paul Pogba uu afar horyaal oo xiriir ah kula guuleystay kooxda lagu naaneeso Marwada Duqda ah tan iyo markii uu 2012 kii isaga soo hayaamay kooxda Manchester United