Home » Ciyaaraha » WAR CUSUB: Suning Commerce Group oo qarka u saaran inay la wareegto kooxda Inter Milan & kooxda uu durba laacibiin badan doonaysa!

WAR CUSUB: Suning Commerce Group oo qarka u saaran inay la wareegto kooxda Inter Milan & kooxda uu durba laacibiin badan doonaysa!
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-06-16 2:46 AM

Massimo Moratti ayaa xaqiijiyey in Inter “ay la saxiixanayso Suning Group” si buu yiri “heshiiska loosoo afjaro”.

Warar Abracadii soo baxayey baa sheegayay in Erick Thohir uu iibinayo 70 boqolkiiba saamiga aqlabiga a ee Inter Milan oo ay gadaneeyso Suning isla Juunyo 5 waxayna bixinaysaa 525 m oo euro, iyadoo Moratti – oo weli ah madaxwayne sharafeedka naadiga – uu qirtay in uu heshiisku qarka soo saaran yahay, waloow uusan weli ogayn waxa uu ka yeeli doono saamigiisa oo ah 30%.

“Miyaan wax saxiixnay? Waa inuu sidaa yahay xaalku. Waxaan qabaa inuu jeedku yahay in heshiiska lasoo afjaro,” ayuu ku yiri ANSA.

“Saamiyadeeyda? Marka hore, waa inaan eegaa waxa dhaca maalmaha soo aaddan, waxaan kaloo arki doonaa wuxuu uu [Thohir] yiraahdo. Maalmo yar oo kale bay qaadanaysaa in la qeexo waxa uu moowqifkaygu yahay.” ayuu kusoo jaray badroonigii hore ee Inter.

Inter ayaa haddii uu iibkani socdo bartilmaameedsanaysa xiddigo muhim ah maaddaama ay raasumaal cusub heli doonto, kuwaasoo ay ka mid yihiin  Yaya Toure, Erik Lamela, Alex Teixeira iyo sida dhici karta Ramires iyadoo ay labada laacib ee dambe iska leeyihiin kooxda Jiangsu Suning oo ay leedahay isla sharikadda Inter iibsan rabta.

b